Burma: Kalfadhigii Baarlamaanka cusub oo furmay.

Image

Naypyidaw- Baarlamaankii ugu horeeyey oo si dimuqraadi ah loo soo doorto dalka Myanmar (Burma) mudo ku siman 50 sano ayaa 2 Feb,2016 kalfadhigii ugu horeeyey uga furmay xarunta wadankaas.

Boqolaal xildhibaano cusub ah oo badankoodu ka tirsan xisbiga National League for Democracy (NLD) iyo ururo kale oo yar yar ayaa la dhaarshay iyagoo kuraastoodii fariistay.

Xisbiga NLD oo ay hogaamiso haweenayda lagu magcaabo Aung San Suu Kyi ayaa ku guulaystay 80% kuraastii lagu tartamayey doorashadii taariikhi ahayd ee dalkaas ka dhacday bishii Novmebar sanadkii tegay.

Laakiin 25% tirada guud ee baarlamaanku waxay keyd u yihiin ciidamada kuwaas oo sidoo kale xejistay xukunka Wasiiradda ugu muhiimsan.

Waxaa ka mid ah shaqooyinka ugu horeeya ee Baarlamaanka sidii ay u soo dooran lahaayeen Madaxweyne cusub marka uu xilka ka dego hogaamiyaha wakhtigan Thein Sein oo xilka ka degi doona dhamaadka bisha March.

Ms Suu Kyi oo mudo ka badan 15 sano xabsi guri geliyeen dowladii hore ee ciidamadu ma qaban karto hogaanka dalka.

Qodob ka mid ah Dastuurka oo si weyn loo rumaysan yahay in iyada lagu beegsanayo ayaa dhigaya in aan Madaxweyne loo dooran karin qof caruurtiisu yihiin ajaanib.

Ms Suu Kyi oo aan lagu tirin xubnaha tartami doona lama hadal weriyayaasha mar ay sii gelaysay dhismaha Baarlamaanka.

Laakiin Nyein Thit oo ah Mudane ka tirsan Xisbiga NLD ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP "Waxaan ka shaqaynaynaa xuquuqda aadanaha, Dimuqraadiyada iyo sidoo kale nabada".

Mudane kale oo xisbiga NDL ka tirsan Khin Maung Myint ayaa u sheegay Associated Press "Weligay ma sawiran in xisbigayagu dowlad soo dhiso, xataa dadweynuhu ma qabin in NDL xukuumad yeelan doono, laakiin hada waa si lama filaan nagu ah anaga iyo  xataa dunida " .

Lama Naw Aung oo ah mudane ka tirsan xisbiga aan kuraasta badan helin ee Kachin State Democracy Party ayaa sheegay in kursi Baarlamaan u yahay fursad fiican oo uu kaga hadli karo baahida iyo xuquuqaha qowmiyada laga tiro badan yahay indigenous.

Labaatankii sano ee ugu danbeeyey xisbiga NDL ee ay hogaamiso Aung San Suu Kyi waxaa loola dhaqmayey sida cadowga iyadoo taageerayaashooda la cadaadinayey halka hogaankooda la xirayey.

Hada boqolaal ka mid ah xisbigaas waxaa loo dhaariyey mudanyaal baarlamaan, xitaa marka ciidamadu soo magcaabaan wakiiladooda oo dhan 25% weli NDL wuxuu haysanayaa aqlabiyada aqalka.

Lama saadaalin karo qofka noqon doono Madaxweynaha cusub ee wadankaas.

GAROWEONLINE +WAKAALADAHA

Related Articles

Isbahaysiga ka dhanka ah Itoobiya oo ku shiray dalka Masar

Falanqeeyayaasha ayaa soo jeedinaya in shirkan saddex geesoodka ah uu muujinayo jawaab celin adag oo Masar.

  • Caalamka

    11-01-2025

  • 03:01PM

Lubnaan: Taliyihii Ciidanka Lubnaan Joseph Aoun oo Madaxweyne noqday

Dowladaha Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa taageero siiyay Jeneraalka si uu ugu soo baxo doorashadda Madaxweynaha.

  • Caalamka

    09-01-2025

  • 01:39PM