Canada: Dab-damiye Soomaali ah oo u dalacey Xildhibaanimo

Image
Cali Ducaale ayaa guul taariikhi ah kasoo hooyey doorashaddii baarlamaanka ee gobolka Nova Scotia ee Canada.

TORONTO, Canada — Cali Ducaale oo qaxooti ahaan ku tagay dalka Canada, ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee Muslim ah, Soomaali ah oo ka mid noqda xildhibaannada Baarlamanka gobolka Nova Scotia ee waddanka Canada.

Cali Ducaale oo xirfaddiisu ay tahay dab-damis, sidoo kalena muddo caawinayay dhallinyarada iyo bulshada xaafadda laga doortay ee Halifax Armdale ayaa helay 40.2% codadkii la dhiibtay.

Ducaale ayaa ka tirsan xisbiga Liberal-ka. Julie Melanson oo ka tirsan xisbiga NDP ayaa heshay 34.2%, halka Richard MacLean oo ka tirsan xisbiga Progressive Conservative ee ku guuleystay talada gobolka uu helay 22.1%.

Cali Ducaale ayaa afareynaya, saddex qof oo kale oo madow ah oo doorashada ku guuleystay, waana tiradii ugu badneyd ee qowmiyadda madowga ka tirsan oo hal mar kawada mid noqda baarlamanka gobolka Nova Scotia.

Isaga oo u waramaya laanta afka Soomaaliga ee VOA-da, Ducaale ayaa sheegay in guushiisa ay u sahashay isaga oo wax badan ku dhex-jiray dadweynaha kana soo shaqeeyay howlo kala duwan.

"Waan ku faraxsanahay xilka la ii doortey xalay. Horey waxaan u soo qabtey xilal kale oo aan doorasho ahayn oo bulshada dhexdeeda ah tusaale ahaan waxaan kamid ahaa guddiga maamul iskuul halkan ku yaala," ayuu yiri.

Nova Scotia waa mid ka mid ah saddex iyo tobanka gobol dalka Kanada. Waa mid ka mid ah saddexda gobol ee ku teedsan badda iyo mid ka mid ah afarta gobol ee dhaca Atlantic.

"Waxyaabo badan ayaa i caawiyey oo ay kamid tahay dunida casriga ah ee aan ku jirno in qof kasta oo doonaya in uu u aqoonsado uu internet-ka iga raadiyo iyo waxaan qaban karo," ayuu hadalkiisa ku daray.

Mar uu ka hadlayay qodobada uu hortabinta siin doono, Ducaale ayaa hoosta ka xariiqay in ay dadka oo dhan u siman yihiin isla markaana uu ahmiyad gaar ah siinayo ciribtirka midab-taroorka bulshooyinka qaar.

Nova Scotia waa eray Laatiin oo macnihiisu noqonayo New Scotland. Dadka intiisa badani waa kuwa ku hadla Ingiriisiga. Soomaalida waa ay ku yar tahay gobolkan. Ducaale wuxuu kamid ahaa dadkii ugu horeeyay ee qaxooti ahaan ku tagay.

GO + VOA

Related Articles

Trump oo soo jeediyay in la daadgureeyo dadka ku nool Gaza

Khubarada gobolka iyo diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa sidoo kale ka digay in qorshahan…

  • Caalamka

    27-01-2025

  • 02:48AM

Kuuriyada Waqooyi oo jawaabtii ugu adkayd siisay Maraykanka.

Gantaalada istiraatijiga ah ee biyaha hoostooda ilaa dhulka dushiisa mari kara ayaa socday 1,500 kilomitir.

  • Caalamka

    26-01-2025

  • 11:39AM