Canada oo cunaqabatayn ku soo rogi doonta dad u dhashay Israa'iil

Image
Cunaqabataynta ayaa lagu soo rogoya dadka Israa’iiliyiinta"xagjiriinta" ah ee degan Daanta Galbeed.

Ottawa (GO) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Canada Melanie Jolie ayaa sheegtay inay cunaqabatayn ku soo rogi doonaan madaxda Xamaas iyo dadka Israa’iiliyiinta ah ee huriya rabshadaha ka socda Daanta Galbeed.

Wareysi ay siisay wakaaladda wararka ee Canadian Broadcasting Corporation maalintii Axadda, ayay Jolie ku sheegtay in qaar ka mid ah dadka Israa’iiliyiinta ah ee huriya rabshadaha ka socda Daanta Galbeed & madaxda Xamaas lagu soo rogi doono cunaqabatayn cusub."

Waxay ku dartay: "Arrintan si adag ayaan uga shaqeyneynaa, waxaana rajeynayaa inaan dhowaan ku dhawaaqo."

Ra'iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu ka fikirayo inuu cunaqabatayn ku soo rogo dadka Israa’iiliyiinta"xagjiriinta" ah ee degan Daanta Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM