Canada oo dalka ka eriday mas’uul Hindi ah oo ku lug lahaa kiis dil

Image

OTTAWA, Canada - Canada ayaa ku dhawaaqday in ay dalkeeda ka eriday diblumaasi u dhashay dalka Hindiya, kadib markii looga shakiyay in uu xiriir la lahaa dil bishii Juun dalkaas loogu geystay hogaamiye taabacsanaa diinta “Sikh”.

Wasiirka arrimaha dibadda Canada Melanie Jolie ayaa tiri, "Waa wax aan la aqbali karin in wakiil ka socda dowladd ajnabi ah uu ku lug yeesho dambi lagu dilay muwaadin Canadian ah."

Waxay sii raacisay: "Sidaas daraadeed waxaan maanta Canada ka saarnay dublamaasi sare oo Hindi ah," iyadoo aan magacaabin.

Hardeep Singh Nigar, oo la dilay bishii Juun ee la soo dhaafay, wuxuu madax ka ahaa macbadka “Sikh”, isaga oo u doodi jiray in la dhiso dawlad madax-bannaan oo ay leeyihiin dadka aaminsan diintaas loona bixiyo magaca "Khalistan."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?

Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen.

  • Caalamka

    18-10-2026

  • 12:54PM

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM