China oo "xiriir saaxiibtinimo" la yeelanaysa Taliban

Image
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli kooxda ay la wareegtay gacan ku haynta waddanka Afgaanistaan.

BEJING, China - Shiinaha ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay horumariyaan “xiriir saaxiibtinimo” oo ay la yeeshaan Taliban kadib markii kooxda hubaysan ay la wareegaan gacan ku haynta Afgaanistaan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda China, Hua Chunying, ayaa u sheegay wariyeyaasha in "Shiinuhu uu ixtiraamayo xaqa ay dadka reer Afgaanistaan ​​u leeyihiin inay si madax -bannaan u go'aansadaan masiirkooda waxayna diyaar u yihiin inay sii wadaan horumarinta".

Kooxda Taliban ayaa ku dhawaaqday in dagaalka Afgaanistaan ​​uu dhammaaday kadib markii dagaalyahannadeeda ay gudaha u galeen caasimadda Kabul, isla markaana madaxweyne Ashraf Ghani uu dalka ka cararay.

Dagaalyahannada Daalibaan ee guulaystay ayaa gaafwareegaya waddooyinka Kabul iyadoo kumanaan reer Afgaanistaan ​​ah ay ku qulqulayeen gegida dayuuradaha ee magaalada iyagoo isku dayaya inay ka cararaan xukunka Talibaan.

Dhanka kale, dalal badan ayaa u ordayay inay daad gureeyaan diblomaasiyiinta, muwaadiniinta iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Afgaanistaan ​​ee maxalliga ah.

Mohammad Naeem, oo ah afhayeenka xafiiska siyaasadda ee Daalibaan ayaa u sheegay Al Jazeera in kooxdu aysan doonayn inay ku noolaadaan meel go'doon ah wuxuuna sheegay in nooca iyo qaabka dowladda cusub ee Afgaanistaan ​​dhawaan la caddeyn doono. Wuxuu kaloo ku baaqayaa in la helo xiriir caalami ah oo nabdoon.

Geesta kale, Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa, sida ay wararku tibaaxayaan, waxay galinka dambe ee Isniinta maanta ay ka doodi doona xaaladda Afghanistan.

Ugu yaraan shan qof ayaa lagu dilay garoonka diyaaradaha ee Kabul iyadoo boqolaal qof ay isku dayeen inay xoog ku galaan diyaaradaha ka baxaya caasimadda Afgaanistaan, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Mid ka mid ah goobjoogayaasha ayaa sheegaya inuu arkay meydadka shan qof oo gaari loo qaaday. Goobjooge kale ayaa sheegaya in aysan caddayn in dhibbanayaashu ay ku dhinteen rasaas ama is -buurasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Israel u Weerartey Suuriya Gaar Ahaan Magaalada Dimishiq?

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowladda Suuriya galeen gobolka…

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 09:18PM

Masar oo Soo Dhawaysay Balanqaadka Trump ee xalinta Khilaafka Webiga Nile

Madaxweynuhu wuxuu si kulul u dhaliilay mashruuca biyo-xireenka Itoobiya, isagoo xusay in uu xannibayo biyihii webiga Nile.

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 06:51AM