Ciidamada dowladda Yemen iyo Xuutiyiinta oo dagaallamay

Image

20 December, 2015(GO)-Dagaal kharaar ayaa Waqooyiga dalka Yemen wuxuu ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo Xutiyiinta dalkaasi, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan oo dhaawac iyo dhimasho isugu jira.

Ugu yaraan 68 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen, waxaana dadka dhintay ka mid ah ugu yaraan sideed iyo labaatan askari iyo afartan ka tirsan fallaagada.

Rabshadahan ayaa ka dhacay deegaan ka tirsan magaalada Harad oo u dhaw xudduuda Sucuudiga halkaasi oo ay ciidammada dowladda la wareegeen laba maalmood ka hor.

Lama garankaro sababta keentay dagaalka labada dhinac xilli lagu dhawaaqay xabad joojin lagu soo beegay wadahadallada nabadeed ee ka socda dalka Switzerland.

Ciidamada Yemen oo garabsanaya kuwa dalka Sucuudiga ayaa u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan magalada Harad, waxaana iska caabin xooggan kala kulmeen fallaagada dalkaasi. Warar hoose ayaa sheegaya in duqayn gaysteen ciidamada Sucuudigu ku bur buriyeen taangiyo iyo baabur dagaal kuwaasi oo ku sugnaa fariisin Xuutiyiintu leeyihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM