Ciidamada Israa’iil oo ku dhawaaqay dilka taliye guuto & ku xigeenkiisa

Image
Saraakiishan ayaa waxaa lagu dilay dagaallada ka socda marinka Qasa.

Qasa (GO) - Ciidamada Israa'iil ayaa ku dhawaaqay dhimashada taliye guuto, oo ka mid ahaa saddex askari oo shalay oo Isniin ahayd lagu dilay dagaallada ka socda marinka Qasa.

Sida laga soo xigtay ciidamada Israel, saddexda qof ee dhintay waxay ka tirsanaayeen guutada 630aad, waxayna kala ahaayeen taliyaha guutada Nathaniel Yakov Elkobi, iyo ku xigeenkiisa, Yair Cohen, iyo askar lagu magacaabo Ziv Chen.

Ku dhawaaqista dilka saddexdan askari ayaa kusoo beegmaysa maalin kaddib markii lagu dhawaaqay dilka laba askari oo ka tirsan ciidamada Israa'iil oo lagu dilay dagaalladii ka dhacay koonfurta marinka Qasa.

Labadaas askari ee la dilay waxay kala ahaayeen Adi Eldor, 21 jir ah, degganaa Haifa, iyo Askari Alon Kleinman, oo isna 21 jir ahaa, degganaa Tel Aviv.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM