Ciidamada Suudaan oo gaashaanka ku dhuftay Codsi uga yimid Iran

Image
Tehran ayaa doonaysa awood dheeri ah oo ay ku yeelato marin biyoodyada istiraatiijiga ah.

Tehran (GO) - Sarkaal ka tirsan sirdoonka Suudaan ayaa wargeyska “Wall Street Journal” u sheegay in ciidanka Suudaan ay diideen dalab uga yimid Iran oo ahaa in Tehran saldhig ciidan ka samaysato badda cas.

Sida laga soo xigtay sarkaalka Suudaan, Iran waxay u soo bandhigtay ciidanka inay siiso markab dagaal oo awood u leh inuu qaado diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyaha lahayn haddii ay ogolaato saldhigga milatari.

“Wall Street Journal” ayaa sheegtay in Iran ay rabtay inay la socoto isu socodka badda ee ka imaanaya Kanaalka Suweys iyo Israel.

Saraakiisha Maraykanka ayaa rumeysan in Tehran ay qorsheyneyso inay u adeegsato xiriirka ay la leedahay ciidamada Suudaan si ay awood dheeraad ah ugu yeelato marin biyoodyada istiraatiijiga ah ee Badda Cas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga: Israel waxay raadinaysaa fursad ay ku weerarto Iran

Wasiirka ayaa intaa ku daray inuu si toos ah uga muujiyey walaacyada uu qabo mas’uuliyiinta Iiraan intii uu booqasho ku joogay dalkaas.

  • Caalamka

    24-01-2026

  • 10:41AM

Trump oo ka laabtay casuumaaddii Canada ee “Guddiga Nabadda” kadib hadalkii Carney ee Davos

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka-qeybgalkeedu ku xaddidan yahay oo kaliya…

  • Caalamka

    23-01-2026

  • 01:05PM