Ciqaabta Trump la damcay Ameerikaanka qaadey Covid-19

Image

WASHINGTON, USA - Madaxweynihii hore, Donald Trump, ayaa ku fekeray inuu Muwaadiniin Mareykan ah oo qaba safmarrka Coronavirus uu dhigo xabsiga Guantanamo Bay, sida lagu sheegay buug cusub.

"Miyaynaan lahayn jasiirad aan annagu leenahay?" Trump ayaa weydiiyay shaqaalaha qolka xaalada bishii Febraayo 2020, sida ay qortay Washington Post. "Ka warran Guantanamo?"

Guantanamo Bay waa xabsi oo ku taal Cuba oo Mareykanku u adeegsado in ku xiro dadka lagu soo eedeeyo dambiyada culus, oo ay ku jiraan kuwa cadawga u dagaallama dagaallada shisheeye iyo kuwa la sheegay inay ka dambeeyeen weeraradii 11-kii Sebtember.

"Waxaan soo dhoofsannaa badeecadaha," ayuu buuggu ku andacooday Trump, oo markii dambe qandaraas la galay COVID-19, ayaa ku yiri shaqaalihiisii. "Ma dooneyno inaan soo dhoofino virus."

Hadaladan ayaa yimid ka hor intaan kiisaska Coronavirus ku badan Mareykanka. Maamulka Trump ayaa wajahay dhaleeceyn joogto ah oo ku aadan sida ay u maareeysay cudurka faafa, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 601,000 oo qof, sida laga soo xigtay tirakoobka jaamacadda Johns Hopkins Inta badan dhimashadaas, qiyaastii 400,000, waxay ka dhacday maamulka Trump.

Kaaliyeyaasha Donald Trump ayaa la yaabay su’aasha ku saabsan Guantanamo Bay waxayna hoos u dhigeen fikraddaas markii labaad ee la soo qaado, sida ay warisay majaladda Post.

Buugga oo cinwaankiisu ahaa Nightmare Scenario: Inside the Trump Administration’s Response to the Pandemic that Change the History, waxaa qoray Saxafiyiinta Post ee Yasmeen Abutaleb iyo Damian Paletta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM