Ciraaq: Xaflad aroos oo sabab u noqotey dhimashada 114 qof

Image

BAQDAAD - Warbaahinta Ciraaq ayaa sheegtay in ugu yaraan 114 qof ay ku dhinteen, ​​200 oo kalena ay ku dhaawacmeen dab ka kacay xaflad aroos oo ka dhacaysay gobolka Nineveh ee dalkaas.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Muxamed Shia Al-Sudani ayaa faray wasiirrada arrimaha gudaha iyo caafimaadka in ay abaabulaan dhammaan dadaallada lagu samatabixinayo dadka dhaawaca ah. sida ay sheegtay wakaaladda wararka Ciraaq.

Dhanka kale, Dab damiska Ciraaq oo war soo saaray ayaa yiri: "Xogta hore waxay muujinaysaa in isticmaalka rashka intii lagu jiray xafladda arooska uu sabab u ahaa dabka kacay.”

Waxa uu intaa ku daray, "Waxaa hoolka arooska ka maqnaa qalabka dabka lagu dimiyo taas oo ka hor imaaneysa shuruucda dalka, tallaabo ayaana laga qaadi doona ciddi ku lug laheed arrintaan."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?

Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen.

  • Caalamka

    18-10-2026

  • 12:54PM

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM