Ciyaaryahan ka ciyaara Yurub oo ku geeryooday gudaha Garoonka

Image

TIRANA (GO) - Rafael Dwamena oo ah ciyaaryahan u dhashay dalka Ghana ayaa maalinta sabtida ah ku geeriyooday garoonka xilli la ciyaarayay kulan ka mid ah Horyaalka Kubadda Cagta Albania.

Xidhiidhka kubbada cagta Ghana ayaa ku dhawaaqay in Raphael Dwamena oo ahaa ciyaartoyga xulka qaranka Ghana uu geeriyooday isaga oo 28 jir ah ka dib markii uu ku suuxay garoonka intii ay ciyaartu socotay.

Inkastoo aan faah faahin rasmi ah laga helin geerida Dwamena, hadana muuqaallo lagu soo bandhigay Baraha Bulshada ayaa muujinaya ciyaaryahanka oo ku dhacaya garoonka daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta u dhaxeysay kooxda oo u ciyaaro Dwamena KF Egnatia iyo Partizani.

Muuqaallada ayaa muujinayay Dwamena oo ku sii dhacaya garoonka dhexdiisa, ka hor inta ayna ciyaartoyda labada kooxood u soo yaacin. Intaa ka dib, waxaa garoonka la keenay gaari ambalaas ah.

Dwamena ayaa hore garoonka ku dhax dhacay bishii Oktoobar 2021, Xilli la ciyaarayay kulan dhexmaray kooxdiisii ​​markaas ee Blau-Weiss Linz iyo Hartberg ee koobka Austria, laakiin wuu soo kabsaday wuxuuna ku soo laabtay garoonka.

Intii uu ku guda jiray xirfadiisa, Dwamina wuxuu u soo ciyaaray kooxo ku kala dhisan Spain, Switzerland, Austria iyo Denmark.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

NASA: Afar Cirbixiyeen Oo Si Nabad Ah Uga Soo Laabtay Safar Ay Ku Tageen Dayaxa

Howlgalka Artemis II wuxuu jebiyey rikoor hore oo masaafo ah, isagoo ka fogaadey…

  • Caalamka

    11-04-2026

  • 02:17AM

Trump oo dalbaday in la yareeyo duqeymaha Lubnaan, xilli wadahadallo la filayo

Trump ayaa hadalkan sheegay Khamiistii, xilli uu wareysi kooban siiyey NBC News, isagoo…

  • Caalamka

    09-04-2026

  • 09:12PM