​Codbixinta doorashada Uganda oo socota

Image

Waxaa dalka Uganda ka bilaabatay codadynta ragga u tartamaya madaxtinimada waddankaasi oo ku jiro hogaamiyaha mudada dheer soo talinayay ee Yoweri Museveni, iyadoo bartanka lagaga jiro eedaymo sheegaya inay jiraan goobo agabka codbixinta la gayn iyo kuwo xilli dambe la furay. 

Goobaha codbixintu goordambe bilaabatay, waxaa kamid ah Caasimadda Kampala oo ah meesha laga xukumo gudiga doorashada qaybo ka mid ah, waxaana qoraal guddigu soo dhigay bartooda Twitterka shacabka u sheegeen inay isdajiyaan oo niyad wanaag muujiyaaan, waxayna ka cududaarteen daahitaanka xarumaahaasi. 

Madaxweyne Yoweri Museveni oo dalkaasi ka talinayay muddo sodon sana ah ayaa doonaya in uu xilka sii hayo, hasayeeshee waxaa uu tartan adag la galayaa ninka ugu cadcad mucaaradka ee Kizza Besigye iyo Ra'iisul Wasaarihii hore ee Amama Mbabazi. 

Doorashadan, waxaa sidoo kale ku lifaaqan codbixinta Barlamanka iyadoo Codbixiyayaasha dooranayaan Xildhibaannada  iyo hogaamiyayaasha maxaliga ah. Hasayeeshee waxaa dalka ka jira walaac kaddib qalalaasihii dalkaasi ka dhacay maalintii Isniinta.

Musharaxa guuleysanaya ayaa laga doonayaa in uu helo in ka badan 50%  kaas oo noqonaya madaxweynaha Uganda si looga fogaado wareeg kale oo doorasho, waxaana cododkooda dhiiban doono 15 Million oo la diiwaan galiyay.

Wixii kasoo kordha doorashada dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaan. 

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM