Cudurka Ebola oo mar kale laga helay dalka Liberia

Image

24 November, 2015(GO)-Muddo ku siman lix bilood oo cudurka Ebola lagu arag dalka Liberia ayaa waxaa soo baxay cabsi ku aadan inuu soo laabto, ka dib markii kiiskan u dhintay will 15 jir ah sida laga soo xiganayo sarakiil caafimaad oo dalkaasi ku sugan.

Cudurkan ayaa laga helay duleedka bari ee caasimadda Manrovia isbuucii tagay.

Xarun caafimaad oo magaaladaasi ku taalla ayaa lagu hayaa aabbe, wiilkiis iyo saddex ruux isku qoys ah kuwaas oo la il daran cudurka Ebola.

Saraakiisha Liberia, ayaa si gaar ahaaneed ula socda 150 qof oo looga shakisan yahay inay halis u yihiin cudurkaasi, kuwaas oo ay ku jiraaan shaqaale caafimaad iyo dad kale oo xiriir la sameeyay qoyska. 

Arrintan ayaa halis ku ah waddamada ku yaalla Galbeedka Africa kuwaasi oo mar hore shaaciyay in laga sifeeyay gobolka iyo dalalkii uu ka dillaacay.

Bishii September 3-deedii ayaa la xaqiijiyay in Liberia uu cudurkaasi ka dhammaadey, inkastoo May 9-keeda uu ururka caafimaadka adduunka ee WHO sheegay in Ebola uu dalkaasi ka dhammaaday, ayaa haddana mar kale waxa la arkey Kiisas cusub oo cudurkaasi ah bishii June ee la ga soo gudbay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM