Cumar Xasan Al Bashiir oo laga diidey in damaanad lagu sii daayo

Image

KHARTUUM, Suudaan – Madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Al Bashiir, ayaa waxaa laga diiday in damaanad lagu sii daayo, sidda ay sheegtay warbaahinta.

Al Bashiir ayaa waxaa ku socoto maxkamadeyn ku aadan eedeymo la xiriira musuq-maasuq, taasi oo dhowaan bilaabatay.

Hogaamiyahan oo Suudaan xukumayey muddo 30-sano ah, ayaa bishii April ee sanadkan waxaa afgembiyey ciidamada milatariga.

Dacwad oogeyaasha ayaa kusoo oogay lacag dhaqid, qaadashada hadiyado sharci darro ah iyo in uu 90 milyan oo cadaan uu Sacuudiga ka gudoomay.

Asbuucii hore isaga oo si furan u hadlaya markii ugu horeysay tan iyo markii la inqilaabay ayaa wuxuu qirtay qayb kamid ah dambiga.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bil Salman ayuu xusay in uu ka helay 25-milyan oo cadaan ah, wallow uu dafiray in uu si shaqsi ah u adeegsaday.

Baareyaasha ayaa tibaaxay in guriga Al Bashiir ay kasoo heleen 130 milyan oo dollar kadib markii awooda laga tuuray.

Sikastaba, eedeymaha loo haysto 75-sano jirkaan ayaa waxa uu ku muteysan karaa 10-sano. Dhageysiga xiga waxaa loo muddeeyay 14-ka September.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga: Israel waxay raadinaysaa fursad ay ku weerarto Iran

Wasiirka ayaa intaa ku daray inuu si toos ah uga muujiyey walaacyada uu qabo mas’uuliyiinta Iiraan intii uu booqasho ku joogay dalkaas.

  • Caalamka

    24-01-2026

  • 10:41AM

Trump oo ka laabtay casuumaaddii Canada ee “Guddiga Nabadda” kadib hadalkii Carney ee Davos

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka-qeybgalkeedu ku xaddidan yahay oo kaliya…

  • Caalamka

    23-01-2026

  • 01:05PM