DAAWO: Geele oo markale isu-taagaya doorashada Jabuuti

Image

Dec 4, 2015 (GO)-Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa warsaxafadeed uu soo saarey maalintii Khamiistii 3 Dec, 2015 ku dhawaaqey in uu isu-soo taagi doono doorashda madaxtinimada ee dalkaas ka dhici doonta sanadka 2016.

Mudane Geele ayaa hadal uu soo dhigey barta Youtoube ku sheegey in go'aankaan uu gaarey kadib markii dadweyne isu soo baxey ka codsadeen in markale uu qabto talada dalkaas.

Ismaacil Cumar Geele ayaa tan iyo intii talada dalkaas u qabtey ka hirgaliyey mashaariic farabadan kuwasoo kamid yihiin balaarinta dakada dalka Jabuuti, xadiidka tareenka ee isku xiraya Jabuuti iyo Ethiopia iyo saldhigayda wadamada shisheeye ku leeyihiin wadankaas.

Mucaaradka dalka Jabuuti ayaa diiddey dib isu-soo-sharaxida madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyagoo sameeyey banaabax ay ku diidan yihiin go'aankaas.

Dadka siyaasada indha-indheeya ayaa sheegaya in sababta keentey in shacabka dalbadaan dib u soo noqnashada madaxweynaha Jabuuti ay tahay caafimaadka dhaqaalaha ee dalkaas oo aad u wanaagsan.

DAAWO MADAXWEYNAHA DALKA JABUUTI OO KA HADLAYA MUSHARAXNIMADIISA

GAROWEONLINE

Related Articles

Lufthansa oo joojisay 20,000 oo duullimaad colaadda Bariga Dhexe darteed

Madaxda shirkadda ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen xasilloonida duullimaadyada caalamiga ah ee fogfog.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 01:47PM

Ruto oo cambaareeyay weerarada lagu qaadey Imaaraadka xili uu Abu Dhabi booqday

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sarre oo ka tirsan madaxtooyada Imaaraadka iyo xubno ka tirsan dowladda Kenya.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 12:49PM