Dabley boqolaal maxaabiis kasii deysay xabsi aad loo ilaaliyo

Image
Kooxda hubeysan ayaa kalka hore beegsadey ilaalada. Weerarka wuxuu dhacay goor dambe oo Axaddii ah.

ABUJA, Nigeria - Rag aad u hubaysan ayaa weeraray xabsi ku yaal koonfurta-dhexe ee waddanka Nigeria waxayna sii daayeen 240 maxbuus oo qiyaasti ah dhamaan ​​tiradda dadka jeelka ku xirnaa.

Dableyda ayaa kalka hore beegsadey ilaalada. Weerarka wuxuu dhacay goor dambe oo Axaddii. Xabsiga oo amnigiisa aad loo adkeeyo wuxuu ku yaalaa magaaladda Kabba ee gobolka Kogi.

Kogi ayaa koonfur-galbeed kaga beegan magaalada caasimadda u ah dowladda federaalka Nayjeerya ee Abuja. Afhayeenka ciidanka Asluubta wuxuu xaqiijiyey weerarkaas.

"Xarunta ilaalada dhexe ee Kabba, gobolka Kogi, waxaa soo weeraray rag aan weli la aqoonsan oo hubaysan, 240 maxbuus ayaa xoog lagu sii daayay," ayuu yiri Francis Enobore.

Ma carabaabin fah-faahinta khasaaraha ka dhashay. Hase ahaatee, warbaahinta maxaliga ah waxay warisay in uu jiro khasaaro soo gaarey ciidamadda iyo qaar kamid ah maxaabiista.

Haliru Nababa, oo ah agaasimaha guud ee ciidanka asluubta Nigeria, ayaa loo xilsaarey baaritaanka weerarka wuxuuna amray dhammaan maxaabiista in dib loo soo qabto.

"Wuxuu ka codsaday guud ahaan shacabka inay bixiyaan macluumaad kasta oo sirdoon oo gacan ka geysan kara dib u soo qabashada dadka baxsadka ka ah laamaha amniga," ayuu raaciyey Enobore.

Guud ahaan 294 maxbuus ayaa xabsiga ku jiray waqtigaas - 224 maxbuus oo horay maxkamad loo soo taagay iyo 70 qof oo la xukumay, sida ay sheegeen saraakiisha maamusha jeelka.

Xabsiga ayaa la aas aasay sanadkii 2008 -dii wuxuuna qaada 200 oo maxbuus. Eedaysanayaashu waxay sannado ku qaadan karaan xabsi ka hor maxkamadaynta gudaha Nigeria.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in xabsiyada inta badan ay yihiin kuwo ciriiri ah oo habraaca sharciyeedna uusan waxtar lahayn ayaga oo cambaareeyay eedeymaha xariga sharci darada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM