Dabley weerar culus ku qaaday huteel caan ah oo ku yaalla Pakistan

Image

ISLAMABAD, Pakistan - Dabley ayaa gudasha u gashay huteel nooca loo tamashlo tago ah oo ku yaala gobolka lama degaanka ah ee Balochistan ee wadanka Pakistan, sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta.

Huteelka la beegsaday oo lagu magacaabo Pearl Continental Hotel kuna yaala magaalada dekada leh ee Gwadar ayaa waxaa bilaayiin dollar ku qarash-gareysay dowlada Shiinaha.

Inta badan dadka degan huteelka oo ah dalxiiseyaal ajaaniib ah iyo ganacsato ayaa laga soo badbaadiyey daqiiqadihii ugu horeeyay ee weerarka, sida uu sheegay Boolis.

Inta la xaqiijiyey hal askari oo kamid ahaa ilaalada huteelka ayaa ku dhintay dhacdadaasi.

Maleyshiyaadka gooni isu taagga ah ee Balochistan Liberation Army ayaa sheegay in ay iyagu ka dambeeyeen weerarkaasi.

Kooxdaan mitidiinta ah ayaa tilmaamtay in ay beegsatay maalgashato u dhalatay Shiinaha iyo kuwa kale oo ajaaniib ah.

Sidda laga soo xigtay saraakiisha dhanka amaanka, weerarka oo bilowday 16:50 galabnimo xiliga wadankaasi ayaa waxaa fuliyey illaa iyo afar ruux oo aad u hubeysan.

Lama ogga hadii wali dad kale ay baaqi kusii yihiin gudaha huteelka, balse madaxda ayaa shaaciyey in inta badan martida lasoo daad-gureeyay.

Balochistan, oo gabaad u noqoday dhaqdhaqaaq hubeysan, waa mid kamida gobolada ugu saboolsan ee wadanka Pakistan ee kasoo koraya xaaladaasi.

Maleyshiyaad kala duwan ayaa ku xoogan gobolka Balochistan sida Talibaanta Pakistan, Balochistan Liberation Army iyo xoogag Sunni ah oo lagu magacaabo Lashkar-e-Jhangvi.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah, dhamaan kooxahaan hubeysan waxa ay kasoo horjeedaan maalgashiga aan dadka ka faa'ieysan ee gobolkaasi ka socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM