Dabley weerartay makhaaxi ku taala Brazil oo dishay 11 qof

Image

PARA, Brazil - Dabley ayaa lagu waramayaa in ay weerartay makhaaxi ku taala magaalada caasimada u ah gobolka Waqoyga Brazil dhaca ee Pará, halkaasi oo mas'uuliyiintu sheegeen in lagu dilay 11 qof.

Wakaalada wararka ee dowladda ayaa xaqiijisay in weerarka oo dhacay galabnimadii Axada dadka lagu khaarijiyey ay lix kamida yihiin haween, halka shanta kale ay rag yihiin.

Saxaafada maxaliga ah ayaa tabineysa in kooxaha hubeysan ee howlgalka fuliyay ay gaareyso tiradooda todoba, kuwaasi oo ku baxsaday gaari iyo Mooto ay markii hore ku yimaadeen goobta.

Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in dableyda ay wadatay qoryaha nooca daran-darooriga u dhaca, isla markaana ay qaarkood wajiyada u xirnaayeen.

Ciidamada amaanka oo bilaabay howlgalo lagu baadigoobayo raggaasi ayaa shaaciyey in ay rajo wanagasan ka qabaan soo qabadashadda xubnahaasi baxsadka ah.

Dalka Brazil waxaa dhowaanahaanba kusoo kordhayey weerarada noocaan ah, kuwaasi oo la sheegayo in ay geysanayeen kooxaha burcada ah, oo ay dowladdu wacad ku martay in ay la dagaalameyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil oo la kulmay cambaareyn ballaaran

Huckabee ayaa hadalladan ka sheegay wareysi uu la yeeshay weriyaha Mareykanka Tucker…

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 10:13PM

Dalalka Carabta oo cambaareeyay hadalka safiirka Mareykanka ee Israa’iil 

Masar ayaa sidoo kale si adag u diidday isku day kasta oo lagu doonayo in lagu daro Daanta Galbeed ama laga gooyo Marinka Gaza.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 08:33PM