Dacwad ka ah madaxweynaha Brazil oo loo gudbiyey ICC

Image

BRASILIA, Brazil - Urur ay ku mideysan yihiin dadka asal ahaan dega dalka ugu weyn Koonfurta iyo Laatiin Ameerika ee Brazil ayaa ka codsaday Maxkamadda ICC in ay baaritaan ku sameyso Madaxweynaha waddankaas Jair Bolsonaro.

Ciwaanka baaritaanka ayay dalbadeen in uu noqdo "xasuuq" iyo “barakicin". Sidoo kale, waxay ku eedeeyeen in uu dhibaateeyay dadyowgaan loo yaqaano Indigenous iyo burburinta dhulkooda.

Qoraalka ururka dadka asaliga ah ee Brazil [APIB] ayaa lagu xusay in dacwad loo gudbiyay maxkamadda fadhigeedu yahay Hague Isniintii taasoo lagu caddeeyay in madaxweynaha midigta fog "uu horseeday siyaasad cad, nidaamsan oo ula kac ah isla markaana lid ku ah dadka asaliga ah tan iyo markii uu xafiiska qabtay 2019".

"Waxaan aaminsanahay in ay jiraan falal ka socda Brazil oo ka kooban dambiyo ka dhan ah aadanaha, xasuuq iyo barakicin," ayuu yiri Eloy Terena, oo ah isku -duwaha dhanka sharciga ee kooxdan.

Bayaaanka ayaa la raaciyey: "Marka la eego awood la'aanta nidaamka caddaaladda ee Brazil si loo baaro, loo dacweeyo loona xukumo [dembiyada], waxaan ku cambaareyneynaa beesha caalamka".

Bolsonaro, 66 jir, oo hormuud u ahaa burburinta kaymaha Amazon ayaa joojiyey barnaamijyadii ilaalinta degaanka wuxuuna horseeday furitaanka keydka dadka asal ahaan dega dalkaas iyo dhulalka kale ee la ilaaliyo ee ah dhaqaalaha beeraha iyo macdanta.

Sikstaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horreysay oo hoggaamiyeyaasha dadka asaliga ah ay ku eedeeyaan Bolsonaro inuu weeraray dadkooda iyo dhulkooda.

Qiyaastii 900,000 qof oo ah dadka asal ahaan isku haysta in ay leeyihiin dhulka Brazil ayaa si gaar ah ugu nugul cudurrada dilaaga, oo uu ku jiro fayruska COVID-19, oo dilay ugu yaraan 1,166 ka mid ah, sida uu sheegay ururka APIB.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tirada dadka ku geeriyoodey duqeymaha Gaza oo dhaafay 43,799 qof

Khasaaraha tirokoobka guud waxaa ku jira 35 dhimasho ah 24-kii saac ee la soo dhaafay.

  • Caalamka

    16-11-2024

  • 11:31AM

Maxay Ka Wada Hadleen Elon Musk iyo Safiirka Iran ee Ku Kulmay New York?

Kulankan oo socday in ka badan saacad ayaa lagu qabtay goob sir ah, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta…

  • Caalamka

    15-11-2024

  • 01:45PM