Dad badan oo ku dhintay qarax ka dhacay caasimada Suuriya
DIMISHIQ, Suuriya - Laba qarax oo Arbacada maanta caasimadda Suuriya ee Dimishiq lagula beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidan ayaa sababay geerida ugu yaraan 13 askari oo milateri ah halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu baahiyay TV -ga dowladda.
TV -ga dowladda Suuriya ayaa soo bandhigay muuqaalka iyo sawirka baska gubtay oo yaal bartamaha magaaladda. Ma jirto koox wali sheegatay falkan oo dhacay iyada oo mashquul badan uu ka jiray wadada dadkuna u kala ordayeen shaqo iyo waxbarasho.
Waxaa jiray dhowr weerar oo sanadkan lagu qaaday baabuurta ciidanka ee bariga Suuriya oo ay ku tuhmayaan dagaalyahanno looga shakisan yahay ISIL (ISIS) oo weli ka hawlgala dhulka lama degaanka ah ee fidsan.
Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca caasimadda tan iyo markii duqeyn ay sheegatay ISIL lagu qaaday Qasriga Caddaaladda bishii Maarso 2017, waxaana ku dhintay ugu yaraan 30 qof.
Bishii Agoosto, warbaahinta dowladda Siiriya ayaa sheegtay in qarax ka dhashay taangiga gaaska ee bas ay la socdeen askar, waxaana ku dhintay hal, saddex kalena way ku dhaawacmeen.
Qaraxyada ka dhaca Dimishiq ayaa dhif iyo naadir ah tan iyo markii ciidamada daacadda u ah madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad ay la wareegeen deegaannada mucaaradka ee magaalada hareeraheeda. Waxaa caawiyay joogitaanka milatariga Ruushka iyo maleeshiyaadka Iiraan. Al-Assad hadda wuxuu maamulaa inta badan dalka.
Colaadda Suuriya, oo bilaabatay bishii Maajo sanadii 2011, ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 350,000 oo qof oo rayid u badan, waxaana ku barakacay kala bar dadka dalkaas, oo ay ku jiraan shan milyan oo qaxooti ku ah dibadda, sida ay sheegtey Qaramada Midoobay.
GAROWE ONLINE