Dad badan oo ku geeriyooday shil ka dhacay dalka Nepal

Image
Shilalka dhimashada badan sababa ayaa aad ugu badan dalkan ku teedsan buurta caanka ah ee Himalaya.

KATHMANDU, Nepal - Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhimatay in ka badan toban kalena waa ay ku dhaawacmeen markii bas weyn oo rakaab siday uu ku rogmadey waddo ku taalla gobol buuraley ah oo ku yaalla waqooyi-galbeed Nepal.

Shilka ka dhacay gobolka fog ee Mugu ayaa dhacay Talaadadii 12:30 pm xilliga maxalliga (06:45 GMT) ka dib markii ay banjartey mid ka mid ah taayirrada hore, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan degmada Rom Bahadur Mahat.

Baska ayaa ka yimid koonfurta degmada Banke kuna sii jeeday aagga Mugu waxaana la rumeysan yahay inay saarnaayeen ugu yaraan 45 qof, oo badankood u safrayay si ay ugu dabaaldegaan ciidda Hindu ee Dashain.

"Shilka waxaa ku dhintay 28 qof, waxaan isku dayeynaa inaan aqoonsano meydadka," ayuu yiri sarkaal ka tirsan dowladda oo ku sugan aaggaas balse magaciisa uga gaabsadey in aan loo ogoleyn la hadalka saxaafadda.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa dhaawacyada u qaaday isbitaallada si loogu daweeyo, iyadoo samatabbixiyeyaashu ay weli baadi-goobayaan dadkii ka badbaaday iyo dhibbanayaashii goobta shilku ka dhacay.

Darawalada basaska ayaa dadka safarka ah ka soo qaada waddooyin loogu tala galay, laakiin rakaabka qaar ayaan si rasmi ah u diiwaangashanayn, taasoo ku adkeyneysa saraakiisha inay ogaadaan tirada saxda ah ee dadka saaran.

Shilalka gaadiidka ee aadka u ba’an ayaa ku badan qaranka ku teedsan buurta Himalayan sababtoo ah waddooyinka oo liita, baabuurta oo si fiican loo dayactirin, iyo kaxeynta oo taxadar la'aan ah.

In ka badan 2,500 oo qof ayaa ku dhintay ku dhawaad ​​13,000 dhacdo oo shilal waddo oo ka dhacay Nepal sanadka 2019, sida lagu sheegay xogta dowladda oo markii ugu dambeysay soo baxdey dabayaaqadda sanadkii lasoo dhaafay 2020-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Dib Ugu Celiyey Xuutiyiinta Yemen Liiska Argagixisada

Trump wuxuu meesha ka saaray go’aankii hore ee Biden oo ka qaaday…

  • Caalamka

    23-01-2025

  • 01:20PM

Sacuudiga oo $600 Bilyan oo maalgashi ah ku sameynaya Maraykanka

Safarkii uu Trump ku tagay Sacuudi Carabiya ee 2017 ayaa burburiyay caado hore oo ahaa in madaxweynayaasha Maraykanka.

  • Caalamka

    23-01-2025

  • 11:54AM