Dad badan oo ku leeday diyaarad milatari oo ku burburtay Pakistan

Image
Image
Image

ISLAMABAD, Pakistan – Ku dhowaad 20 qof ayaa ku dhimatay markii diyaarad ay leeyihiin ciidamada Pakistan aroornimadii Talaadda ay kusoo dhacday guryo ay shacab degan yihiin oo ku yaala magaaladda Rawalpindi.

Dadka degaanka oo tilmaamay in ay arkeen diyaarad joog-hoose ku duuleysa ayaa shaaca ka qaadey in ay maqleen jugta qarax aad u culus.

Diyaaradda ayaa waxay kusoo dhacday goob u dhaxeeya xaafadda Bahria Town iyo Hoyga Mas’uuliyiinta Difaaca, halkaasi oo ah degaan qaali ah.

Goobjoogeyaal ayaa waxay tibaaxayaan in guryo fara badan ay burbureen, qaarna uu sameeyay daran ku yeeshay shilkan.

Wakaaladda Wararka ee Milatariga ayaa shaacisey in 12 qof oo kamid ah dadka dhintay ay dhulka joogeen, inta kelana ay la socdeen diyaaradda kuwaasi oo isugu jira shaqaale iyo saraakiil sar-sare oo ciidamada ka tirsanaa.

Illaa iyo haatan ma cadda sababta ka dambeysa burburka diyaarada balse mas’uulitiinta ayaa waxay daboolka ka qaadeen in ay baaritaan ku bilaabeen.

Musiiba diyaaradeed tii ugu dhimashada badnayd ayaa Pakistan laga soo wariyay 2010-kii kaasi oo ay ku lug-yeelatay diyaarad si gaar ah loo leeyahay kuna soo dhacday duleedka Islamabad waxayna galaafatay 152 saarnayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM