Dad badan oo ku leeday diyaarad milatari oo ku burburtay Pakistan

Image
Image
Image

ISLAMABAD, Pakistan – Ku dhowaad 20 qof ayaa ku dhimatay markii diyaarad ay leeyihiin ciidamada Pakistan aroornimadii Talaadda ay kusoo dhacday guryo ay shacab degan yihiin oo ku yaala magaaladda Rawalpindi.

Dadka degaanka oo tilmaamay in ay arkeen diyaarad joog-hoose ku duuleysa ayaa shaaca ka qaadey in ay maqleen jugta qarax aad u culus.

Diyaaradda ayaa waxay kusoo dhacday goob u dhaxeeya xaafadda Bahria Town iyo Hoyga Mas’uuliyiinta Difaaca, halkaasi oo ah degaan qaali ah.

Goobjoogeyaal ayaa waxay tibaaxayaan in guryo fara badan ay burbureen, qaarna uu sameeyay daran ku yeeshay shilkan.

Wakaaladda Wararka ee Milatariga ayaa shaacisey in 12 qof oo kamid ah dadka dhintay ay dhulka joogeen, inta kelana ay la socdeen diyaaradda kuwaasi oo isugu jira shaqaale iyo saraakiil sar-sare oo ciidamada ka tirsanaa.

Illaa iyo haatan ma cadda sababta ka dambeysa burburka diyaarada balse mas’uulitiinta ayaa waxay daboolka ka qaadeen in ay baaritaan ku bilaabeen.

Musiiba diyaaradeed tii ugu dhimashada badnayd ayaa Pakistan laga soo wariyay 2010-kii kaasi oo ay ku lug-yeelatay diyaarad si gaar ah loo leeyahay kuna soo dhacday duleedka Islamabad waxayna galaafatay 152 saarnayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM