Dad isku qoys ah oo lagu laayey weerar lagu qaadey Masjid

Image

KABUL, Afghanistan – Sideed qof oo isku qoys ah ayaa la dilay markii kooxo hubeysan oo aan la aqoon ay rasaaseeyeen masaajid ku yaal bariga gobolka Nangarhar ee Afghanistan.

Toogashada ayaa ka dhacday habeenimadii Sabtida magaalada Jalalabad. Sida laga soo xigtay Gudoomiyaha Gobolka Nangarhar, Ziaulhaq Amarkhil, dilku wuxuu salka ku hayaa muran dhul.

Shan walaalo ah iyo saddex ka mid ah wiilasha ay ilma adeerka yihiin ayaa la sheegay ku naf-waayeen falkaas.

Toogashadu waxay dhacday waqtiga taraawiixda. Amarkhil ayaa u sheegay Al Jazeera: "Kani wuxuu ahaa weerar bartilmaameed ah, xogtii ugu horaysayna waxay muujineysaa muran dhuleed inuu sabab u ahaa".

Isku dhacyada la xiriira khilaafaadka dhulka ayaa caan ka ah guud ahaan Afghanistan. Falalkan oo loo yaqaano dhiiga qubanaya waxay taagan yihiin muddo tobanaan sano ah, iyadoo aan wali xal loo helin.

Bishii Abriil ee la soo dhaafay, ugu yaraan lix xubnood oo qabaa'il ah ayaa la dilay ku dhowaad 20 kalena waa lagu dhaawacay iska horimaadyo hubeysan oo ku saabsan dhul lagu muransan yahay oo isla gobolka ka tirsan.

Dagaalka oo dowladda aysan fahfaahin buuxda ka bixin iyo talaabo rasmi ah u qaadin qaboojintiisa wuxuu socday dhowr maalmood.

Nangarhar, waa magaalo ay ku xoogan yihiin Taliban iyo kooxda ISIL (ISIS), waxay hodan ku tahay dhulka banaan waxayna ka mid tahay meelaha ugu muhiimsan beeraha Afghanistan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM

Maraykanka iyo Iran oo billaabay wada-hadallo qarsoodi ah

Wada-hadallada ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadyo waaweyn oo ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka Iran.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 05:16PM