Dad ka badan 60 qof oo qaraxyo lagu dilay dalka Ciraaq

Image

06 Octobar, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya dalka Ciraaq ayaa sheegay in dad gaaraya 60 qof siyaabo kala duwan loogu dilay qaraxyo ka dhacay dalkaasi, halka dhaawacu gaaray goobaha qaybtood 50 qof.

Gaawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay goob saxmad badan oo ku taalla gobolka xagga bari ee Diyala, waxaana ku dhintay 40 qof halka la dhaawacay 50 ruux.

Magaalada Baqdaadna, Boolisku waxay sheegayaan in gaari waxyaabaha qarxa waday uu 13 qof ku dilay xaafadda Xuseeyniya.

10 qof oo kale ayaa lagu dilay bam lagu weeraray waddo ku taalla Al-Zubair ee dalka Ciraaq.

Dhinaca kale, wararka ka imaanaya magaalo u dhow Basra ayaa la sheegay inuu ka dhacay weerar dad ku dhinteen, goobtaasi waxay ahayd meelaha uusan ka dhicin rabshadaha ka socda dalka Ciraaq.

Qaybo ka mid ah khasaaraha ka dhashay weerarada Ciraaq waxaa sheegtay ururka islaamiga ah ee ka dagaalamada qaybo ka mid ah Bariga dhexe ee ISIS.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM