Dad ku dhintay dhul-go’ ka dhacay waqoyga Hindiya

Image

NEW DEHLI, Hindiya - Dhul-go’ ka dhacay gobolka Himachal Pradesh ee buuraleyda ah ee Hindiya ayaa dilay ugu yaraan 10 qof, dhaawacayna 14 iyo tobaneeyo kalena go’doomiyey kadib markii dhagxaan waaweyn ay ku dhaceen waddo weyn taasoo sababtay burburka aasitaanka dhowr baabuur, sida ay sheegeen saraakiisha Hindiya.

Bayaan Arbacadii ka soo baxay xafiiska madaxa Himachal Pradesh, Jairam Thakur, ayaa lagu yiri "qiyaastii 60 qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku aasan yihiin burburka hoostiisa".

"Dadka go’doomay waxaa ka mid ah rakaabkii ku dhex jiray bas ku xayiran burburka,” Vivek Kumar Pandey, oo ah afhayeenka ciidanka ilaalada xuduudaha Indo-Tibetan (ITBP), ayaa sidas u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Pandey ayaa ku daray: “Dhul-go 'aad u weyn ayaa ka dhacay waddada weyn ee Reckong Peo-Shimla”. Wuxuu intaa sii raaciyey “in hawlgallo ay socdaan; waxaan isku dayaynaa inaan gaarno baska."

Sarkaal booliis ah oo ku sugnaa goobta ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in dhagxaanta ay weli ku soo dhacayaan aagga. 14-ka qof ee la soo badbaadiyay waxay qabaan dhaawacyo "laakiin waa in la daweeyaa kadib", ayuu sarkaalku intaas ku daray.

Abid Hussain Sadiq, oo ah sarkaal sare oo dowladda ka tirsan oo ku sugan degmada Kinnaur oo ah halka uu shilku ka dhacay, ayaa sheegay in hawlgallada samatabbixintu ay sii socon doonan illaa habeenkii oo dhan si la isugu dayo in la helo dadkii badbaaday.

Dhul-go’ ayaa ku badan gobolka Himalayan ee woqooyiga Hindiya, gaar ahaan xilligan roobabka oo roobab culus ay keenaan burburka dhulka iyo dhagaxyada.

Xaaladda ayaa uga sii dartay isbeddelka cimilada oo horseeday duufaano aad u culus oo dhalaalaya barafka sare ee buuraha. Waddooyinka gobolka ayaa sidoo kale inta badan si xun loo dayactiraa.

Dabayaaqadii bishii Luulyo, ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay dhul go' ka dhacay qayb kale oo ka mid ah degmada Kinnaur, tobaneeyo kalena waxay ku xayirmeen dhul-go' iyo daadad toddobaadyadii la soo dhaafay ku dhuftey aag kale oo ka tirsan Himachal Pradesh, oo ah gobol Himalayan oo muuqaal ahaan caan ku ah dalxiisayaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tirada dadka ku geeriyoodey duqeymaha Gaza oo dhaafay 43,799 qof

Khasaaraha tirokoobka guud waxaa ku jira 35 dhimasho ah 24-kii saac ee la soo dhaafay.

  • Caalamka

    16-11-2024

  • 11:31AM

Maxay Ka Wada Hadleen Elon Musk iyo Safiirka Iran ee Ku Kulmay New York?

Kulankan oo socday in ka badan saacad ayaa lagu qabtay goob sir ah, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta…

  • Caalamka

    15-11-2024

  • 01:45PM