Dad ku dhintay shil tareen oo ka dhacay Mareykanka

Image
Shirkada iska leh tareenka oo lagu magacaabo Amtrak ayaa sheegtey inay "aad uga xun yihiin" dhimashada.

NEW YORK, USA - Dhowr qof ayaa ku dhintay Mareykanka ka gedaal markii tareen Amtrak uu ka baxay dhabaha gobolka Montana, sida uu sheegay sarkaal u waramay warbaahinta maxaliga ah.

Starr Tyler, oo ka tirsan xafiiska booliska gobolka ee arrimaha dadweyaha , ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen dhacdadan Sabtidii.

Shirkada iska leh tareenka oo lagu magacaabo Amtrak ayaa sheegtey inay "aad uga xun yihiin" dhimashada, ayaga oo intaas ku daray inay sidoo kale jiraan dhaawacyo badan.

Waxay sheegtay in tareenka Empire Builder ay saarnaayeen 147 rakaab ah iyo 13 shaqaale ah markii shan baabuur ay ka leexdeen meel u dhow magaalada Joplin markay ahayd 4-ta galabnimo (22:00 GMT).

"Amtrak waxay kala shaqeyneysaa mas'uuliyiinta maxalliga ah qaadista rakaabka dhaawacmay, waxayna si ammaan ah u daadgureyneysaa dhammaan rakaabkii kale," ayay raacisay.

Sababta keentay shilkan ayaa illaa haatan fahfaahin laga bixin. Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in tareenka uu ku wajahnaa galbeedka magaalada Seattle kana yimid Chicago.

Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dhowr baabuur oo taagan hareeraha goobta wax ka dhaceen. Rakaabka ayaa taagnaa hareeraha jidka, qaarkood waxay wateen boorsooyin.

Guddiga Badbaadada Gaadiidka Qaranka ayaa sheegay inay u diri doonaan koox ka kooban 14 xubnood, oo ay ku jiraan baarayaal iyo khabiiro ku xeel dheera calaamadaha tareenka si ay u eegaan dhacdadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM