Dad ku dhintay toogasho ka dhacday maqaayad ku taala Mareykanka

Image

WASHINGTON, US – Booliska ayaa shaaciyey in toogasho ka dhacday bariga gobolka Florida lagu dilay hal qof, laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka Bileyska magaaladda Fort Lauderdale ayaa sheegtay in laamaha amanaka ay ka fal-celiyeen falka, lana soo xiray qof la tuhmayo.

"Dibada makhaayadda Blue Martini ayuu shilku ka dhacay, hadafka wali ma cadda," ayuu Casey Liening tiri, sida ay kasoo xigatay wakaalada wararka ee AP.

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal, ruuxa falka sameeyay ayaa si aan kala sooc lahayn rasaas ugu furay gudaha maqaayada oo ku dhow xarunta laga dukaameysto ee Galleria.

Casey ayaa intaasi raacisay in dadka dhaawaca ah ee loola cararay goobaha caafimaadka ay xaaladoodu tahay mid aan la hubin.

"Qofka dhibaatada geystay oo aan wali la aqoonsan waxa uu ku jiraa xabsiga, booliskana waxa aaminsan yahay in falka sababay muran," ayay raacisay.

Baaritaanka ayaa ah mid wali socda, sida laga soo xigtay Casey oo diiday in ay bixisay tafaasiil dheeraad ah oo dhacdada quseysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM