Dad ku dhintay toogasho ka dhacday Mareykanka

Image

WASHINTONG, US – Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay markii qof hubeysan uu rasaas ku furay dad ku sugan goob ay ku cibaadeystaan dadka Yahuuda oo ku taalla gobolka California ee Mareykanka.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegaysa in laba ruux kale ay ku dhaawacmeen weerarkaan, inkasta oo tirada ay sii kordhi karto.

Sidda uu sheegeen Booliska, markii uu falku dhacayay waxaa dhismaha ka socotay dabaaldegga Passover oo dadka Israariiliyiinta ah ay Axad walba sameeyaan.

Laamaha amaanka ayaa shaaciyey in ay gacanta ku hayaan ninka dhibaatadaan geystay, isla markaana uu cadaaladda wajihi doono.

Ninka oo magaciisa lagu sheegay John Earnest ayaa laga soo qabtay halka ay dhibtu ka dhacday oo ah Poway oo ku taala waqoyga magaaladda caanka ah ee San Diego.

Mareykanka iyo dunida inteeda kale waxaa sii kordhayey weerarada looga soo horjeedo Yahuuda tan iyo markii uu magaalada barakeysan ee Qudus oo u aqoonsaday Donald Trump caasimada Israa'iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM