Dad ku dhintey iska-hor-imaad ka dhacay caasimada Lubnaan

Image
Isku-dhaca ayaa ka qarxay goob uu ka socdey banaanbax la xiriira musiibadda sanadkii hore ee dekada Bayruut.

BAYTUUR, Lubnaan - Ugu yaraan lix qof ayaa ku geeriyootay 32 kalena waxaa kasoo gaarey dhaawacyo aad u daran kadib markii rasaas ay ka dhacday caasimadda waddanka Lubnaan ee Beyruut.

Toogashadu waxay bilaabatay intii ay socdeen mudaaharaadyada kooxaha Shiicada ee Xisbullah iyo Amal oo ka dhan ah garsooraha baarayay qaraxii sannadkii hore ka dhacay dekedda magaalada.

Qaar kamid ah banaanbaxayaasha ayaa waxay sheegeen in dablayda Masiixiyiinta ah ay rasaas ku rideen dadkii badnaa "si ay Lubnaan ugu jiidaan colaad".

Xiisado ayaa ku xeeran baaritaanka qaraxa dekedda. Hezbollah iyo xulufadeeda waxay ku andacoodaan in garsooruhu uu eexanayo, laakiin qoysaska dhibbanayaashu waxay taageeraan shaqadiisa.

Illaa iyo hadda cidna looma maxkamadeyn masiibada dhacday bishii Ogosto 2020, oo ay ku dhinteen 219 qof, dhulkeeduna uu baaba’ay. Iska -horimaadka ayaa socday dhowr saacadood ka hor intaan xasiloonidii la soo celin.

Isbitaalada iyo ilo ciidan ayaa laga soo xigtey in dadka la dilay qaarkood madaxa laga toogtay. Waxaa la sheegay in ay ku jireen haweeney ay haleeshay rasaas habow ah ayaga oo ku sugan guryahooda.

Hezbollah iyo Amal waxay ku eedeeyeen xisbiga Xoogagga Lubnaan ee Masiixiyiinta inuu ka dambeeyay weerarka lagu qaaday dibadbaxayaasha. Balse, dhinaca kale wuxuu iska fogeeyay eedeyntan culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM