Dad ku geeriyoodey qarax ka dhacay dalka Jarmalka
BARLIN, Germany - Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintey afar kalena waa la la’yahay kadib markii Talaadadda maanta ah uu qarax xooggan ka dhacay warshad kiimiko taasoo ku taal waddanka Jarmalka.
Saraakiisha magaalada Leverkusen ayaa xusay in 16 qof ay ku dhaawacmeen qaraxa, oo dhacay 09:40 waqtiga maxalliga ah (07:40 GMT). Qaraxa ayaa kiciyay dab qaatay dhowr saacadood in la damiyo.
Uuro badan oo qiiq madow ah ayaa lagu arkay aagga. Booliska oo fahfaahin kooban dhiibay ayaa u sheegay dadka deegaanka inay iska joogaan gudaha oo ay xiraan daaqadaha iyo albaabada.
"Waxaan aad uga xunahay shilkan naxdinta leh iyo dhimashada shaqaalaha," ayuu yiri Lars Friedrich, madaxa Chempark. Samatabbixiyeyaashu waxay raadinayaan dadka la la'yahay.
Laba ka mid ah dhaawacyada ayaa loo maleynayaa inay culus yihiin, sida ay sheegtay shirkadda Chempark ee Currenta. Dhammaan dadka ay dhibaatadu saameysey ayaa ka shaqeeyey goobta.
Saddex taangi oo goobta yaalay ayaa gebi ahaanba ama qayb ahaan burburay, taas oo adkaynaysa in la ogaado halka qaraxu ka dhacay. Wali lama ogga waxa sababay qaraxa ka dhacay goobtan lagu gubo qashinka ee Chempark.
Dhawaqa qaraxa ayaa laga maqlay dhowr kiilo mitir oo ka baxsan meesha ay wax ka dhaceen. Booliisku oo xirey aagga ku xeeran waxay sidoo kale dhaqdhaqaaqa ka joojiyeen dhowr waddo oo waaweyn oo ka agdhawaa.
Duqa Magaalada Uwe Richrath oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa cod dheer wuxuu ku caddeeyay in dhacdadan darteeda ay u tahay "maalin madow dadka Leverkusen".
Goobaha lagu ciyaaro ee ku yaal laba xaafadood oo u dhow ayaa la xiray waxaana loo sheegay dadka inay miirmaan khudradda ka soo baxda jardiinooyinkooda ka hor inta aysan cunin.
Si kastaba ha noqotee, mas'uuliyiinta magaalada Leverkusen waxay tibaaxeen in talaabo kasta oo la qaado ay noqon doonto mid laga taxadaro isla markaana laga dheeraado wasakheynta degaanka.
GAROWE ONLINE