Dadka kooban oo nasiib u yeeshay Xajka bilowday ee 2021
RIYADH, Suadi Arabia - Xajka sanadlaha ah ayaa ka bilawdey Sacuudi Carabiya iyada oo kaliya dhowr kun oo qof ay isugu yimaadeen Banka Carafa xilli Isniinta asbuucii hore uu bilowdey cibaadada shanta maalmood ee nagu soo fool leh uu soconayo.
Xajku waa mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka isla markaana qofka Muslimka ah noloshiiba hal mar uu awood u leeyahay in uu oogo.
Kahor safmareenka Coronavirus, illaa 2.5 milyan oo xujey ah oo ka kala timid adduunka oo dhan ayaa iska xaadirin jiray goobta ugu qiimaha badan ee Islaamka si ay u oogaan Xajka.
Balse, xayiraadaha la xiriira coronavirus-ka ee isugu imaatinnada waaweyn darteed, xujeyda ajnabiga ah looma oggolaan inay xajka mar kale gutaan sannadkan.
Kaliya 60,000 oo la talaalay ahna muwaadiniinta Sacuudiga iyo dadka degan oo da'dooda ay udhaxeyso 18 ilaa 65-jir ayaa loo ogolaaday inay iska diiwaan galiyaan xajka sanadlaha ah. Sannad ka hor, illaa 10,000 oo muwaaddiniin Sacuudi ah iyo dadka deggan ayaa loo oggolaaday inay soo gutaan waajibaadka Xajka.
Haweeney 50-sano jir ah una dhalatay dalka Sucuudiga ayaa sheegtay inay aadayaan Xajka iyada oo ay la socdaan koox dumar ah oo kale, ka dib markii Sucuudigu u oggolaaday dumarka inay iska diiwaangeliyaan xajka iyadoo aan la helin nin ilaaliya ah waana markii ugu horreysay abid.
Wasiir ku xigeenka caafimaadka Sacuudi Carabiya, Hani Jokhdar, ayaa xustey in go’aanka lagu xaddidayo ka qeybgalka uu yahay "wanaag aad u weyn" maadaama aysan "dooneynin in Xajka sanadkaan uu isku badalo goob uu ku faafo cudurka".
2015-kii, ugu yaraan 2,400 oo xujey ah ayaa ku dhintay mid kamid ah isbuurashadii ugu darneyd Xajka. Ma jiraan dhacdooyin la taaban karo tan iyo markaas. Intaas ka hor, ugu yaraan 330 xujey ah ayaa ku dhimatay isbuurasho ka dhacday Mina 2006.
GAROWE ONLINE