Dagaal qabow cusub kana dilaaca dunida oo laga digay

Image
Antonio Guterres ayaa ku tartarsiiyey Mareykanka iyo Shiinaha in ay hagaaajiyaan cilaaqaadkooda.

NEW YORK, USA - Xoghayaha Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ka digay dagaal qabow oo cusub oo ka dhex qarxa Shiinaha iyo Mareykanka, wuxuuna ka codsaday labada quwadood inay hagaajiyaan xiriirkooda gabi ahaanba aan shaqaynayn.

"Waxaan u baahannahay in aan iska ilaalino gabi ahaanba dagaal qabow oo ka duwanaan doona kii la soo dhaafay, oo laga yaabee inuu ka sii khatar badan yahay oo ay adag tahay in la maareeyo," Guterres ayaa yiri.

Dhawaqan wuxuu yimid ka hor kulanka sanadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ay isugu imaanayaan hoggaamiyeyaasha adduunka - oo ah shir ay hareyn doonan COVID-19, welwelka cimilada iyo muranka guud ahaan meeraha.

Guterres ayaa tibaaxay in labada quwadood ee dhaqaalaha ugu waaweyn adduunka ay tahay inay iska kaashadaan wax ka qabashada isbedelka weyn ee cimilada kana wadaxaajoodaan ganacsiga iyo teknolojiyadda.

Wuxuu raaciyey: "Sidoo kale, waxaa in ay si joogto ah uga wada arrinsadaan xuquuqda aadanaha, dhaqaalaha, amniga khadka tooska ah iyo madaxbanaanida Badda Koonfurta Shiinaha".

Laba sano ka hor, Guterres ayaa hogaanka dunida si gaar ah Mareykanka iyo Shiinaha uga digay in ay abuurayaan shabakado iska soo horjeeda, lacag, ganacsi, xeerar maaliyadeed "iyo istiraatiijiyad geopolitical iyo militari oo eber ah".

Dagaalkii Qaboobaa ee Midowgii Soofiyeeti iyo xulafadiisii ​​bariga iyo Mareykanka iyo xulafadiisa reer Galbeedka ayaa dunida soo maray hal jeer waana kadib Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Burburkii Midowgii Soofiyeeti ee 1991-dii ayuu kusoo dhamaadey dagaalkii qaboobaa. La iskuma adeegsan hub balse waxaa la isku hayey afkaar iska soo horjeeda - shuuciyad iyo kalitalisnimo dhinac ah, hanti -wadaag iyo dimuqraadiyad dhinac kale ah.

"Kala qaybsanaanta dalalka horumaray ee woqooyiga iyo waddamada soo koraya ee koonfurta aad bay khatar ugu yihiin amniga adduunka", ayuu Guterres raaciyey "aad bayna khatar u tahay awoodda isu keenidda adduunka si loola dagaallamo isbeddelka cimilada".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?

Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen.

  • Caalamka

    18-10-2026

  • 12:54PM

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM