Dagaalka Qasa oo galay maalintii 100-aad xilli dhimashadu ay kor u dhaaftay 23 Kun

Image
Ugu yaraan 23,843 qof ayaa la dilay, in ka badan 60,317 waa ku dhaawacmeen weerarrada Israa’iil.

QASA (GO) - Dad aad u farabadan ayaa bannaanbaxyo lagu dalbanayo xabad-joojin laga sameynayo Qasa ka dhigay dalal badan oo dunida ah, iyaga oo taageero u muujinaya qadiyadda shacabka ku dhaqan Falastiin.

Kaqeybgalayaasha dibadbaxyadaasi ayaa ku baaqay in la sameeyo xabad-joojin lagu badbaadinaayo dadka rayidka ah ee u baahan gargaarka biniaadanimo sida cunto, dawo, iyo shiidaal .

Dibadbaxyadan ayaa ku soo aadaya maalintii100-aad ay Israa’iil ku waddo marinka Qasa iyo shacabka ku nool duulaan qaawan oo ay cambaareeyeen inta badan ee wadamada caalamka.

Ugu yaraan 23,843 qof ayaa la dilay,in ka badan 60,317 waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Qasa tan iyo 7-dii Oktoobar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM