Xaalada Afghanistan: Dalalka albaabada u furay Taliban

Image
Wadamada reer galbeedka ayaa xirey safaaradihii ay ku lahaayeen Kabul kadib qabsashadii kooxda hubeysan.

KABUL, Afghanistan - In kasta oo dalal badan oo reer galbeed ahi ay xireen safaaradihii ay ku lahaayeen Kabul kadib qabsashadii Taalibaan ee magaalada, tiro dalal ah ayaa albaabka u furay kooxda.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in Beijing ay soo dhaweyneyso fursadda ah inay xiriir qoto dheer la yeelato Afghanistan.

"Taalibaan waxay marar badan muujiyeen rajadooda ah inay xiriir wanaagsan la yeeshaan Shiinaha, iyo inay rajeynayaan ka-qaybgalka Shiinaha ee dib-u-dhiska iyo horumarinta Afghanistan ... waan soo dhaweynaynaa tan," ayay tiri

Danjiraha Ruushka ee Afganistan, Dmitry Zhirnov, ayaa lagu wadaa inuu Talaadada maanta ah uu la kulmo wakiil Taalibaan si uu ugala hadlo ammaanka safaaradda Kabul oo sii furnaan doonta.

Moscow ayaa sheegtay inay rajaynayso inay horumariso xiriirka ay la leedahay Taalibaan, inkastoo ay sidoo kale tibaaxdey in aysan ku degdegin in loo aqoonsado inay yihiin hogaamiyeyaasha waddanka.

Madaxweynaha cusub ee Iran, Ebrahim Raisi, ayaa ka dhawaajiyey in "fashilka milateriga Mareykanka ee Afgaanistaan ​​ay fursad u tahay in ay dalka ka dhaliyaan nabad waarta".

TV -ga qaranka Iran oo soo xiganaya Raisi ayaa yiri "Jabkii milatari ee Mareykanka iyo ka bixitaankiisa waa inay noqdaan fursad lagu soo celinayo nolosha, amniga iyo nabadda waarta ee Afgaanistaan".

idee xaalada halkan kusoo gaartey?

Abriil: Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Mareykanka ay ka bixi doonaan Afghanistan laga bilaabo May illaa dhammaadna 11 -ka Sebtember, taasoo soo afjaraysa dagaalkii ugu dheeraa ee Mareykanka

May: taalibaan ayaa weerar culus ku qaaday ciidamada Afghanistan ee ku sugan koonfurta gobolka Helmand, waxayna ku duuleen gobollo kale.

June: Ergayga Qaramada Midoobay ee Afgaanistaan ​​ayaa sheegay in Taalibaan ay qabsadeen in ka badan 50 ka mid ah 370 degmo. Taalibaan ayaa weeraro is xigxigay ka fuliyaY waqooyiga, iskuna fidiyey meelo oo ay kaga xooggan yihiin koonfurta.

21 Luulyo: Taalibaan ayaa gacanta ku dhigtay kala bar degmooyinka dalka, sida uu sheegay sarkaal sare oo Mareykan ah

6 Ogosto: Dagaalameyaasha waxay qabsadeen Zaranj oo ku taal koonfurta, oo ahayd caasimaddii ugu horreysay ee mid kamid ah gobolada taasoo noqotay markii ugu horeysay oo magaala madax qabsadaan muddo sannad ah.

Ogosto 13: Afar magaalo goboleed oo kale ayay hal maalin la wareegeen, oo ay ku jirto Kandahar, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn waddankaas

Ogosto 14: Taalibaan waxay qabsadeen magaalada weyn ee Mazar-i-Sharif

15 Ogosto: Waxay qabsadeen magaalada muhiimka ah ee bariga Jalalabad kadib dagaal la'aan, iskuna hareereeyay magaaladda caasimadda ah ee Kabul.

Dhanka kale, hogaanka sarre ee kooxda Talibaan ayaa waxaa u soconaya wadahadalo ay ugu dhawaaqayaan dowlad ku meelgaar ah. Qeyb kamid ah wadaxaajoodyadda waxay ka socdaan Pakistan oo deris la ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Falastiiniyiinta oo dib ugu laabanaya waqooyiga Gaza

Israa'iil iyo Xamaas ayaa haatan ku heshiiyay in Khamiista la siidaayo Yehud iyo lahaystayaal kale oo labo ah

  • Caalamka

    27-01-2025

  • 10:55AM

Trump oo ka laabtay canshuur kordhin uu dul saaray Colombia

Colombiya ayaa iyaduna sheegtay in Dowladda Mareykanka ay aqbashay in muwaadiniinta Colombiya ay ula dhaqanto si sharax leh.

  • Caalamka

    27-01-2025

  • 09:25AM