Dalalka Khaliijka oo qaadaya tallaabooyin degdeg ah kadib weerarrada Iran

Image

DOHA — Dowladda Qatar ayaa amar ku bixisay in saraakiisha amniga iyo milatariga ee Iran ay si degdeg ah uga baxaan dalka, kadib markii gantaallo la sheegay inay Iiraan ka yimaadeen ay geysteen “khasaare ballaaran” oo gaaray xarunta weyn ee gaaska ee Ras Laffan.

Dhanka kale, United Arab Emirates ayaa xiray xarumaha gaaska ee Habshan ee ku yaalla Abu Dhabi, kadib weerar la sheegay inuu Iiraan fulisay.

Sidoo kale, Saudi Arabia ayaa sheegtay in laba ka mid ah warshadaha sifeynta shidaalka ee dalkaas la weeraray, iyadoo Riyadh ay tilmaantay in “kalsoonidii yarayd ee ka hartay Iiraan ay si buuxda u burburtay.”

Tallaabooyinkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo dalalka Khaliijka ay si weyn u sii kordhayso, taasoo sare u qaadaysa cabsi laga qabo isku dhac ballaaran oo ka dhaca gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM