Dhakhaatiir ku guuleystay in Killida doofaar ku rakibaan bukaan 62-jir ah

Image
Qaliinka ayaa la sameeyay 16-kii Maarso wuxuuna qaatay 4 saacadood,

Washington (GO) - Dhakhaatiir ka socota cisbitaalka guud ee Massachusetts ee dalka Maraykanka ayaa khamiistii ku dhawaaqay in nin 62 jir ah oo qaba xanuunka kelyaha uu noqday qofkii ugu horeeyay ee lagu beero kelyo doofaar leeyahay oo hidde ahaan (DNA) loo bedelay.

Cisbitaalka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in qalliinku uu ka dhigan yahay isbeddel weyn oo fududaynaya in bukaannada u baahan xubnaha jirka mid ka mid ah ay ka faa'iisaystaan.

Qaliinka ayaa la sameeyay 16-kii Maarso, wuxuuna qaatay 4 saacadood, waxaana wax-ka-beddel ku sameeyay hiddaha Kelyaha Doofaarka shirkada “eGenesis of Cambridge” oo ku taal gobolka Massachusetts.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga…

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 10:17PM

Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa.

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 05:40AM