Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo "fasaxay" dilkii Jamal Khashoggi

Image

WASHINGTON, USA – Dhaxal-sugaha boqortooyadda Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan, ayaa wuxuu ogolaadey howlgalkii sababay dilkii 2018-kii ee wariyihii u dhashay Sacuudiga, Jamal Khashoggi, sidda lagu sheegay warbixinta mudada dheer hakadka ku jirta sirdoonka Mareykanka taasoo Jimcada maanta ah lasii daayey.

Warbixinta sidda rasmi ah loola wadaagay warbaahinta kana soo baxdey saaray Xafiiska Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka Mareykanka, ayaa lagu xaqiijiyay fahfaahinta warbixintii CIA-da daabacdey asbuucyo kadib khaarijinta qoraagan ka tirsanaa wargeyska Washington Post isla markaana deganaa gobolka Virginia.

Warbixinta oo ka kooban laba bog ayaa lagu caddeeyay in xogaha ay uruuriyeen ay tusinayaan in dhaxal-sugaha uu si buuxda gacanta ugu hayey kiiska Jamal isla markaana uu leeyahay go’aan ka gaarista "taageerida in la adeegsado talaabooyin kharbudaad ah si loo aamusiyo qurba-joogta uu kamid tahay Khashoggi".

Sidda laga soo xigtay warbixinta, howlgalkaas waxaa ka qeyb-qaatay taliyeyaal sar-sarre oo Maxamed bin Salmaan ku xiran iyo saraakiil dhanka ammaanka ah.

Si dhakhso ah looma caddayn talaabooyinka Mareykanka qaadi doono iyaddoo madaxweyne Biden horey u balaqaadey in Riyadh kula xisaabtamayo kiiskan.

Sharci-dajiyayaasha labada xisbi ee waddanka Mareykanka waxay si kala duwan u soo jeediyeen cunaqabateynno ka bilaabmaysa xaddidaadyo dhaqaale iyo mamnuucid ka dhan ah macaamillada USA ee uu la leeyahay amiirka dhaxal-sugaha ah ee 35-sano jirka ah si lamid ah in lagu oogo dacwad ciqaabeed.

Baahinta warbixinta ayaa la macno ah dhamaadka geedi-socod dheer oo bilowday markii Khashoggi uu u jihaystay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul si uu uga soo qaato dukumiintiyada u fasaxa guudka balse ay dileen isla markaana meydkiisa jarjareen saraakiisha sirdoonka Sacuudiga. Illaa hadda, wali lama helin haraaga jirkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM