Dhimasho & dhaawac oo ka dhashay duqeymo ay Israa’iil ka geysatay Qasa

Image
Ciidamada Israa'iil ayaa bishii 5-aad sii wada weerarka ka dhanka ah marinka Qasa.

Qasa (GO) - Tiro falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay kuwa kalena waa lagu dhaawacay duqeymo ay Israa’iil u gaystay dhowr deegaan oo ku yaalla marinka Qasa.

Ilaha caafimaadka Qasa ayaa sheegay in ugu yaraan 7 muwaadin oo ay ku jiraan caruur iyo haween ay ku dhinteen, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, marka, ka dib duqeynta diyaaradaha Israel ay ku garaaceen Qoysas ku nool Khirbet Al-Adas, waqooyiga Rafah, ee koonfurta marinka Qasa.

Waxaa sidoo kale shalay Ciidamada Israa’iil ay duqeymo u geysteen guri ku yaal bartamaha marinka Qasa, halkaas oo ilo maxalli ah ay soo wariyeen in ugu yaraan 12 muwaadiniin ah ayaa ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Israa'iil ayaa bishii 5-aad sii wada hawlgalkooda millatari ee Marinka Qasa, iyagoo ay ku dhinteen in ka badan 30,410 oo qof, kuwaas oo intooda badan ay yihiin carruur iyo haween.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga: Israel waxay raadinaysaa fursad ay ku weerarto Iran

Wasiirka ayaa intaa ku daray inuu si toos ah uga muujiyey walaacyada uu qabo mas’uuliyiinta Iiraan intii uu booqasho ku joogay dalkaas.

  • Caalamka

    24-01-2026

  • 10:41AM

Trump oo ka laabtay casuumaaddii Canada ee “Guddiga Nabadda” kadib hadalkii Carney ee Davos

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka-qeybgalkeedu ku xaddidan yahay oo kaliya…

  • Caalamka

    23-01-2026

  • 01:05PM