Dhimasho horleh oo laga soo wariyey garoonka Kabul

Image
Kooxda Taliban ayaa ugu baaqdey dadweynaha buux-dhaafiyey madaarka in ay dib ugu laabtaan guriyahooda.

KABUL, Afghanistan - Tiro dhan 12 qof ayaa lagu dilay gudaha iyo agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Kabul tan iyo Axaddii, sida uu sheegay sarkaal sarre oo ka tirsan kooxda hubeysan ee Taliban.

Sarkaalka oo si qarsoodi ah ula hadlay wakaaladda wararka ee Reuters kana gaabsadey magaciisa sababo aan la caddeyn ayaa xusay in dhimashada ay sababtay rasaas ama shaabaddo.

Dadweynaha ku sugan irdaha ayuu ku booriyey inay guryahooda aadaan maadaama aysan xaq u lahayn inay safraan wuxuuna yiri Daalibaan "ma dooneyso in ay dhaawacdo dhamaan shacabka".

Mowjado rabshado ah ayaa laga soo wariyey gudaha garoonka tan iyo markii falaagadda ay la wareegtay awooda waddanka Afghanistan iyadda oo dadku rabaan in ay dibada u cararaan.

Gegida dayuuradaha ee Kabul ayaa weli ku jira gacanta Mareykanka laakiin waddooyinka ku xeeran waxaa ilaaliya Taliban kuwaasoo la sheegay in shacabka ay qasab ku joojinayaan.

Goobjoogayaal kala duwan ayaa soo tabiyey in xubno hubaysan oo ka tirsan kooxda ay ka horjoogsanayaan dadka, oo ay ku jiraan kuwa dukumentiyada wata, inay galaan xarunta.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa carabka ku adkeeyay in askarta Ameerikaanka ah ay baaqi kusii ahaan doonan Afghanistan illaa dadka Mareykanka ay dib ugu sii laaban doonan dalkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Israel u Weerartey Suuriya Gaar Ahaan Magaalada Dimishiq?

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowladda Suuriya galeen gobolka…

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 09:18PM

Masar oo Soo Dhawaysay Balanqaadka Trump ee xalinta Khilaafka Webiga Nile

Madaxweynuhu wuxuu si kulul u dhaliilay mashruuca biyo-xireenka Itoobiya, isagoo xusay in uu xannibayo biyihii webiga Nile.

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 06:51AM