Dhul-gariir in ka badan 110 qof ku dilay waqooyiga Shiinaha

Image
In ka badan 4,700 oo guri oo ah hanti dadwayne ah ayaa la sheegay in ay waxyeelo soo gaartay.

BEIJING, China - In ka badan 110 qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna waa ay ku dhaawacmeen kadib dhul gariir ku dhuftay Waqooyi Galbeed ee dalka Shiinaha, xilli dad badan ay hurdeen.

Dhul gariirkan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 6.2, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Xinhua, ayaa saqdii dhexe ee xalay ka dhacay gobolka Gansu ee u dhow xuduudka Qinghai, kaas oo gaystay khasaare balaaran.

Musiibadan rabaaniga ah ayaa waxaa laga dareemay meel ka fog magaalada Xi’an ee waqooyiga gobolka Shaanxi, oo qiyaastii 570km (350 mayl) u jirta xuddunta.

Maamulka gobolka Gansu ayaa shir jaraa’id ku sheegay in laga soo bilaabo 7.50am (23:50 GMT ee Isniinta), 105 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen, 397 kalena ay ku dhaawacmeen.

In ka badan 4,700 oo guri oo ah hanti dadwayne ayaa waxyeelo soo gaartay, ayay raaciyeen. Korontada iyo biyaha ayaa go’ay tuulooyinka qaar, ayay tiri Xinhua.

13 ruux kale ayaa ku dhintay, 182 kalena waa la dhaawacay, 20 kalena waa lagu la’yahay magaalada Haidong ee gobolka Qinghai ee deriska la ah, sida uu sheegay telefishanka dawladda ee CCTV.

Shiinaha ayaa kamid ah wadamadda caalamka ee ay ku badan yihiin dhul-gariirada waxaana ugu wacan in ay dalkan ay ku yaalaan buuro badan taas oo qeyb ka ah sababaha u dhacaan musiibooyinka noocaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM

Trump: Waan ognahay halka uu Khamenei ku sugan yahay, Ma rabno inaan dilno hadda!

Dhinaca kale, Iran ayaa sheegtay in 224 qof lagu dilay, in ka badan 1,000 kalena lagu dhaawacay duqeymaha Israel.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 09:25AM