Dhul-gariir xoogan oo ku dhuftay koonfurta Filibiin

Image
Mas’uuliyiinta ka agdhow goobta uu dhulgariirku ka dhacay ayaa soo wariyey in aysan helin wax war ah oo ku saabsan khasaaraha.

MANILA, Filibin – Dhulgariir cabirkiisu yahay 5.7 ayaa ku dhuftay koonfurta caasimadda Filibiin ee Manila gaar ahaan gobolka Batangas ee jasiiradda Luzon abaare 1:12 am (17:12 GMT). Dadka deggan nawaaxiga magaala madaxda waxay ku baraarugeen musiibadan.

Machadka Folkaanada iyo Seismology ee Filibiin (Phivolcs) ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in dhulgariirku ay qotadiisu ahayd qiyaastii 74km (46 mayl). Xuddunta dhulgariirku waxay ka dhacday gobolka Mindoro.

Mas’uuliyiinta ka agdhow goobta uu dhulgariirku ka dhacay ayaa soo wariyey in aysan helin wax war ah oo ku saabsan khasaaraha – dhimasho ama dhaawac.

Jose Clyde Yayong, oo ah sarkaal ku sugan magaalada Tagaytay ee gobolka dariska la ah ee Cavite ayaa yiri "Runtii aad bay u xoog badneyd. Illaa iyo hadda ma jiraan dhacdooyin qallafsan oo la xiriira dhulgariirka".

Leonardo Tristan, sarkaal kale oo ku nool magaalada Looc ee jasiiradda Occorodi Mindoro, ayaa sheegay in xoogga dhulgariirku uu dadka qaar ku qasbay in ay ka cararaan guriyahooda.

“Xaaskaygu waxay ku qaylinaysay 'dhulgariir baa jira',” ayuu Tristan u sheegay wakaaladda wararka Faransiiska laga leeyahay ee AFP.

Filibiin waxaa si joogto ah u ruxa dhulgariirro iyada oo ay ugu wacan tahay meesha uu dalkan ku yaala ee Baasifigga, oo ah goob uu dhaqdhaqaaqa dhulgariir ku xoogan yahay – ka soo bilaabanaya Japan ilaa Koonfur Bari Aasiya iyo guud ahaan aagga Baasifigga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM