"Hooyadii oo u dabaaldageysa in uu xabsi kasoo baxay buu kufsadey"

Image
Image

KYIV, Ukraine - Booliska ayaa shaaciyey in ay xabsi dhigeen ruux ay sheegeen in uu kufsadey hooyadii, kaasi oo haatan wajahaya maxkamaddeyn uu ku muteysan karo xukun xabsi sanado badan ah.

Vitaliy oo 44-sano jir ah kaasi oo la qabtey isaga oo gabaad ka dhiganaya qol kadib howlgal ay ciidanku sameeyeen ayaa dhowaan xabsi laga soo daayey markii uu garaacis ku dilay shaqsi kale.

Hooyadii oo 64-sano jir ahayd ayuu qolka ugu galay iyadda oo hurdeysay waxaana uu u geystay tacadi baahsan xili ay dabaaldageysay in wiilkeeda uu xorriyadiisa dib u helay ayna qaban-qaabisay xaflad.

Dhacdadan ayaa bishii May ee sanadkan waxaa laga soo wariyey Abramivka oo hoostimaada magaaladda Kyiv oo ah caasimadda wadanka Ukraine ee ku yaala Bariga qaaradda Yurub.

"Waan cabsadey, sababtaasi darteeda ayaan haatan u soo bandhigay," ayay Maamadda u sheegtay mid kamid ah muuqaal-baahiyeyaasha oo ay wareysi gaar ah siisay.

Xafiiska xeer-ilaalinta ayaa shaaciyey in Vitaliy uu ugu yaraan wajihi karo shan sano kale oo dheeraad ah taasi oo uu ku qaadan doono xabsiga dhexe ee dalkaasi Ukraine.

"Hadda waxba uma qabo, waan cafiyey. Balse waxaan jeclaan lahaa in aan dib u arko," ayey raacisay hadalkeeda, iyadda oo muujineysa naxariis ay u hayso cunugeeda dhibaateeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan oo diyaarado dagaal u dirtay Saudi Arabia xili uu fashilmay Wadahadalka Islamabad

Falanqeeyayaasha amniga ayaa rumeysan in u dirista diyaaradahan aysan ahayn mid militari ahaan wax weyn ka beddelaysa awoodda difaaca.

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 09:41AM

Mareykanka iyo Iiraan oo ku kala tagay wadahadalladii Islamabad

Madaxweyne ku-xigeenka J.D. Vance ayaa sheegay in Maraykanku uu si daacad…

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 02:47AM