Dilkii bedelay sooyaalka Ameerika oo bog kale loo rogay

Image
Falkan oo dhacay nus qarni kahor ayaa gacan-ku-dhiiglihii ka dambeeyay ku muteystay 53 sano oo xabsi ah.

NEW YORK, USA - Guddiga cafiska gobolka Kaliforniya ayaa u codeeyay in xabsiga laga sii daayo gacan-ku-dhiiglihii dilay murashaxii dimuqraadiga ee madaxweynenimada 1968-kii Robert F Kennedy (RFK).

Sirhan Sirhan ayaa 53 sano oo xabsi ah ku muteystay in uu toogtay RFK xilli uu khudbad ka jeedinayey hoteel ku yaal magaalada Los Angeles, falkaas oo wax ka beddelay taariikhda Ameerikaanka.

Codbixinta, oo loo cuskadey in uu halis ku ahayn rayidka, ma aha mid damaanad qaadaysa inuu xor ku socon doono. Go'aanka u dambeeya waxaa gaaraya Guddoomiyaha Gobolka California, Gavin Newsom.

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa hadda ku jira olole doorasho. "In ka badan nus qarni ayaa ka soo wareegtay," ayuu Sirhan u sheegay guddiyada cafiska. "Wiilkaas yar ee firfircoonaa ma jiro haatan".

"Senator Kennedy wuxuu ahaa rajada adduunka aniguna waan dhaawacay, dhammaantoodna waan waxyeelloobay waxayna igu xanuunaysaa inaan la kulmo taas, aqoonta falkan foosha xun," ayuu raaciyay sida ay qortay wakaaladda wararka ee Associated Press oo loo oggolaadey in ay ka qaybgasho dhegaysigiisa sii -daynta sharafeedka.

Xafiiska xeer ilaaliyaha degmada ee Los Agnles ayaa daaha ka rogay inaysan u dhaqaaqi doonin inay ka soo horjeedaan sii deyntiisa Balse ma bixin tafaasiil dheeraad ah.

Hadda waa 77 jir, dilaaga ku dhashay Falastiin wuxuu codsanayay sii-dayn sharafeed markii 16-aad. Waxa uu sheegay in markii la xiray kadib uu fuliyay weerarkiisa ku aaddan taageerada Senator-ka xilligaas ee kaalmada Mareykanka ee Israel. Markii dambe ayuu sheegay in uusan xasuusan weerarka.

Go’aanka guddiga ayaa yimid kadib markii laba ka mid ah carruurta Kennedy ay ka codsadeen guddiga sii -daynta sharafeedka in la sii daayo gacan-ku-dhiiglaha aabbahood.

"Runtii waxaan rumaysanahay in maxbuus kasta oo dambi lagu helo in uusan naftiisa khatar ku ahayn ama guud ahaan dadka caalamka," ayuu tibaaxay Douglas Kennedy oo ay soo xigatay wakaalada wararka Associated Press.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ingiriiska oo joojiyay xiriirka ganacsiga Israel markii ay gargaarka u diiday Gaza

Britain ayaa sidoo kale cunaqabateyn cusub ku soo rogtay dad iyo kooxo samaynaya rabshado ka dhan ah Falastiiniyiinta ku sugan Daanta Galbeed. 

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 02:48PM

Trump: Wadahadal “si aad ah u fiicnaa” baan Putin kala yeeshay Xabad-joojinta Ukraine 

Sidoo kale, Trump ayaa sheegay in Vatican-ka, oo uu matalayo Papa, uu muujiyay xiisaha uu u qabo martigelinta wadahadalada.

  • Caalamka

    20-05-2025

  • 05:21AM