Diyaarad siday askar dhowaan qalinjabisay oo burburtay

Image

MANILA, Filibiin - Diyaarad militari oo sidday ugu yaraan 85 qof ayaa waxay ku burburtay koonfurta dalka Filibiin Axada maanta ah, sidda uu shaaca ka dhigay taliyaha guud ee ciidamadda qalabka sidda.

Sawirro iyo muuqaalo horudhac ah lagana soo qabtey goobta ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya burbur xoogan oo soo gaarey diyaaradda iyo uuro badan oo ka dhashay qaraxa diyaaradda.

Illaa iyo hadda, 15 qof ayaa laga soo badbaadiyay burburka gubtay ee diyaaradda oo nooceedu ahaa C-130 taasoo dhacday markii ay isku dayday inay ku degto jasiiradda Jolo ee gobolka Sulu.

General Cirilito Sobejana oo u waramay wakaladda wararka AFP ayaa yiri "Kooxda gurmadka deg-dega waxay joogaan goobta hadda, waxaan ku dedaalaynaa inaan badbaadin karno dad badan".

Sobejana ayaa intaas ku daray in diyaarad ay dhacday kadib markii duuliyaha uu hareer-maray wadada ay diyaaraduhu ku ordaan. Sida ay tabisay wakaaladda wararka AP, ugu yaraan 40 qof la soo badbaadiyay. Dadka lasoo badbaadiyay ayaa laga soo saaray burburka diyaarada oo ku dhacdey tuulo ku taal gobolka Sulu ee buuraleyda ah.

Qaar badan oo ka mid ah rakaabkii diyaaradda ayaa, sida ay ku warantay saxaafadda maxaliga ah, waxay dhowaan ka qalin jabiyay tababarka aasaasiga ah ee militariga Filibin.

Sida ku xusan warbixinadda, waxaa loo daabulayey jasiirada xasillooni daradda ay ka jirto halkaas oo uu ka socdo howlgal wadajirka ah kana ka dhan a argagixisada gobolkan ay Muslimiinta u badan yihiin.

Milatariga ayaa joogitaan culus ku leh koonfurta Filibiin halkaas oo ay ka howlgalaan maleyshiyaad mintidiin ah, oo ay ku jirto kooxda afduubka geysata kadibna doobta madax furashada ee Abu Sayyaf.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo Masar u diiday inay ku biirto isbahaysiga difaaca ee cusub

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, Riyadh ayaa sii kordhaysa niyad-jab ay ka qabto dowladda Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi.

  • Caalamka

    14-08-2026

  • 07:42AM

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM