Diyaarad siday askar dhowaan qalinjabisay oo burburtay

Image
Image
Image
Image
Image

MANILA, Filibiin - Diyaarad militari oo sidday ugu yaraan 85 qof ayaa waxay ku burburtay koonfurta dalka Filibiin Axada maanta ah, sidda uu shaaca ka dhigay taliyaha guud ee ciidamadda qalabka sidda.

Sawirro iyo muuqaalo horudhac ah lagana soo qabtey goobta ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya burbur xoogan oo soo gaarey diyaaradda iyo uuro badan oo ka dhashay qaraxa diyaaradda.

Illaa iyo hadda, 15 qof ayaa laga soo badbaadiyay burburka gubtay ee diyaaradda oo nooceedu ahaa C-130 taasoo dhacday markii ay isku dayday inay ku degto jasiiradda Jolo ee gobolka Sulu.

General Cirilito Sobejana oo u waramay wakaladda wararka AFP ayaa yiri "Kooxda gurmadka deg-dega waxay joogaan goobta hadda, waxaan ku dedaalaynaa inaan badbaadin karno dad badan".

Sobejana ayaa intaas ku daray in diyaarad ay dhacday kadib markii duuliyaha uu hareer-maray wadada ay diyaaraduhu ku ordaan. Sida ay tabisay wakaaladda wararka AP, ugu yaraan 40 qof la soo badbaadiyay. Dadka lasoo badbaadiyay ayaa laga soo saaray burburka diyaarada oo ku dhacdey tuulo ku taal gobolka Sulu ee buuraleyda ah.

Qaar badan oo ka mid ah rakaabkii diyaaradda ayaa, sida ay ku warantay saxaafadda maxaliga ah, waxay dhowaan ka qalin jabiyay tababarka aasaasiga ah ee militariga Filibin.

Sida ku xusan warbixinadda, waxaa loo daabulayey jasiirada xasillooni daradda ay ka jirto halkaas oo uu ka socdo howlgal wadajirka ah kana ka dhan a argagixisada gobolkan ay Muslimiinta u badan yihiin.

Milatariga ayaa joogitaan culus ku leh koonfurta Filibiin halkaas oo ay ka howlgalaan maleyshiyaad mintidiin ah, oo ay ku jirto kooxda afduubka geysata kadibna doobta madax furashada ee Abu Sayyaf.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo Marti-gelinaya Shir Looga Hadlo Qorshaha Trump ee Gaza

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in dib-u-dhiska Gaza uu ku kacayo in ka badan $53 bilyan.

  • Caalamka

    21-02-2025

  • 08:48AM

Trump: Zelenskyy waa kaligii taliye bilaa doorasho ah

Trump ayaa todobaadki hore si lama filaan ah u shaaciyay in uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Ruushka, Vlademir Putin.

  • Caalamka

    20-02-2025

  • 07:40AM