Diyaarad uu dab qabsaday oo sababtay dhimashada dad badan

Image
Image
Image
Image

MOSCOW, Russia – Ugu yaraan 41 qof ayaa ku dhimatay markii diyaarad Ruushka laga leeyahay oo si degdeg ah loosoo dejiyay uu dab ku qabsaday garoonka Sheremetyevo ee magaaladda Moscow.

Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshadda ayaa muujinaya rakaabka oo si dhaqsiyo ah u soo degaya si ay uga baxsadaan dabka qabsaday diyaarada oo noocedu ahaa Aeroflot.

Sidda ay warineyso warbaahinta maxaliga ah, laba caruur ah iyo shaqsi kale oo shaqaalaha diyaarada ka tirsanaa ayaa ku jira dadka ku naf-waayey musiibadaan.

Goobjooge ayaa sheegay in ay ahayd "wax mucjiso ah" in qof uu ka badbaado diyaarada, taasi oo ay saarnaayeen 78 rakaab ah iyo shan howlwadeeno ah.

Veronika Skvortsova, wasiirka caafimaadka Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in lix bukaan ah oo Isbitaal ku jira saddex kamida ay wajahayaan xaalad halis ah.

Aeroflot, oo ah diyaaradda qaranka Ruushka, ayaa sheegtay in soo laabashada ay ka dambeysay markii cilad farsamo ay soo wajahday.

Diyaarada, oo sumadeedo ahayd Sukhoi Superjet-100, taasi ka kacday garoonka Sheremetyevo gabal-dhicii waqtiga Ruushka ayaa kusii jeeday Murmansk.

Shaqaalaha ayaa durba markii ay duushay diyaarada kusoo war-geliyey goobta diyaaradaha laga hago in ay haysato cilad.

Kadib markii ay soo cagasho degdeg ah ay samesay, matoorka diyaarada ayaa dab xoogan uu ka kacay xili ay ku socotay goobta diyaaradu ku socdaan markay soo degayaan.

Madaxda ugu sareysa dowladda Ruushka ayaa tacsi diiraanyo leh u diray ehelada dadkii ku geeriyooday dhacdadaan oo bilooyinkii lasoo dhaafay aad ugu soo badaneysa dunida dacaladeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM