Diyaarad uu la socday ra'iisul wasaare oo si degdeg loosoo dejiyay

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Diyaaradii waday ra'iisul wasaaraha Pakistan, Imran Khan ayaa si degdeg ah ugu laabtay New York kadib cilado yar oo soo wajahay, sidda ay shaacisay warbaahinta dowladda, Sabtidii.

Radio Pakistan ayaa wuxuu ku waramay in diyaaradii wadey Khan iyo wafdigiisa ay kolkii dambe dib ugu soo laabteen waddankaas.

Balse waxay sii mareen New York markii cilado farsamo laga soo wargeliyay magaaladda Toronto ee dalka Canada, halkaasi oo markii hore qorshuhu ahaa in ay cagta sii mariyaan.

"Cilado farsamo oo yar ayaa dhacay; walina ma cadda waxay sababay walaaca," ayaa lagu yiri warbixinta Idaacadda sii deysay.

Waxyar kadib markii ay dib u cago dhigteen New York, Khan ayaa ku laabtay huteelkiisa soo dhaweynta isaga oo ay wehliyaan wafuudiisa kala qeybgashay shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

"Cilado farsamo oo diyaaradii soo wajahdey wadadeeda ra’iisul wasaaruhu wuxuu habeen ku qaatay huteelka," ayuu yiri xafiiskiisa.

Imran Khan, oo horey u ahaa xidig dheela ciyaarta loo yaqaano Cricket-ka oo caan ka ah meelo kamid ah qaaradda Aasiya ayaa kamid ah hogaamiyeyaashii loogu daawashada badnaa khudbadahooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM