Diyaarad uu leeyahay milatariga Afgaanistaan oo burburtay

Image
Sidoo kale, diyaarado kale oo siday boqolaal ciidamo Afgaanistaan ayaa ka degay waddanka Tajikistan.

KABUL, Afgaanistaan - Dhowr diyaaradood milateri oo siday in ka badan 100 askari oo reer Afgaanistaan ​​ah ayaa ka soo degay gegida diyaaradaha ee magaalada Tajikistan ka tirsan ee Bokhtar, sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas.

Mas'uuliyiinta Tajikistan ayaa u oggolaanaya diyaaradaha kasoo duulaya Afgaanistaan inay galaan hawada dalkaas kadib markii waddankaas ay la wareegtay Taliban, wakaaladda wararka ee RIA ee Ruushka ayaa sidaas warisay iyaddoo soo xiganaysa wasaaradda.

Dhanka kale, wasaaradda difaaca Uzbekistan ayaa xustey in diyaarad militari lagana leeyahay Afgaanistaan ayaa burburtay kadib markii ay ka gudubtay xadka Uzbekistan waxaana ka badbaadey duuliyihii diyaaradda saarnaa.

Diyaaradda ayaa, sida ay ku warameen warbaahinta maxaliga ah, waxay ku burburtay goor dambe oo Axaddii ah gobolka Surxondaryo ee koonfurta Uzbekistan ee ku xiga Afghanistan.

Wakaaladda wararka ee RIA ee Ruushka ayaa soo xigatay wasaaradda gaashaandhigga Uzbekistan oo sheegtay in duuliyaha uu dibadda u soo baxay isaga oo dhaawacmay.

Kabul ayaa wajaheysa maalintii ugu horreysay ee waxa ay Taliban ugu yeeraan “Imaarada Islaamiga ah ee Afgaanistaan". Magaaladda waxaa ku nuul in kab badan lix milyan ah. Dadweynaha oo ka cabsanaya aargoosi waxay ka cararayaan waddanka.

Waxyar kadib markii baxsadey madaxwayne Ghani, muddo 48-saac gudahooda jidadka waxaa buux-dhaafiyey baabuur iyo boqolaal qof safaf ugu jira ilinka garoonka diyaaradaha, xafiisyada fiisooyinka iyo wakaaladaha socdaalka si ay u dhoofaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM