Diyaarad uu madaxweyne safar ku geli lahaa oo ay cilad ku timid

Image

BERLIN, Germany – Diyaarad uu madaxweynaha Germany, Frank-Walter Steinmeier, ku aadi lahaa Polland ayaa Sabtidii waxaa ku tmid cilad farsamo.

Tani ayaa waxay dhabaha u xaartay in Steinmeier iyo wafdigiisa ay kolkii dambe qaataan diyaarad kale, oo ay ku gaareen dalkii ay kusii jeedeen.

Ma cadda ciladda, balse afhayeen u hadlay shirkadda wuxuu sheegay in ay tahay dhibaato kasoo food-saartay dhanka matoorka.

Steinmeier ayaa markii hore loo qorsheeyay in uu safar ku galo Airbus A321, balse markii ay ciladda timid waxaa Berlin ka duulisay A319.

Airbus A321 ayaa ah diyaaradda rasmiga ah oo ay raacaan mas’uuliyiinta qarankan dhaca qaaradda Yurub.

Madaxweynaha oo si nabdoon uga degay magaaladda Luftwaffe ayaa Polland uga qeybgalay xuska 80-sano guurada dagaalkii labaad ee aduunka.

Taariikhdaasi ayaa waxay ku suntan tahay markii ciidamada Naziyiinta Jarmalka ay dagaalkii labaad ee aduunka ku galeen waddanka Poland.

Isaga oo ka hadlayey xafladda, Steinmeier ayaa madaxda dalkaasi waydiistay cafis, maadaama ay dhibaato u horseedeen.

Ma ahan markii ugu horeysay oo mushkilad noocaan oo kale ay soo foodsaarto madaxda waddanka Jarmalka.

Dhowaan ayey ahayd Wasiirka arrimaha dibadda, Heiko Maas, uu xoogaa dib u dhac isaga oo kusii jeeday New York markii ay cilad soo foodsaartay diyaaradiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM