Diyaarado dagaal oo hor leh oo ku duulaya agagaarka Taiwan

Image

TAIPEI, Taiwan - Wasaaradda Difaaca ee Taiwan ayaa ku dhawaaqday – maanta oo Isniin ah – in ay la socdeen 24-kii saac ee la soo dhaafay duullimaadyada 103 diyaaradaha dagaalka ee Shiinaha kuwaas oo ku duulaya hareeraha jasiiradda.

Wasaaraddu waxay ku sheegtay bayaan ay soo saartay in 103 diyaaradood iyo 9 markab oo ay leeyihiin Ciidanka Shiinaha lagu arkay agagaarka Taiwan intii u dhaxaysay shalay ilaa subaxnimadii Maanta.

Beijing ayaa Taiwan u aragta qayb ka mid ah dhulkeeda, waxayna xaqiijisaa inay doonayso inay dib ugu soo ceshato, xitaa haday u adeegsto xoog iyo awood militari.

Xiriirka labada dhinac ayaa xumaaday 2016-kii markii ay xukunka la wareegtay Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, oo taageersan madax-bannaanida jasiiradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles