Donald Trump oo dhaqaale ka hela maalqabeenada Islaamka

Image

Dec 9, 2015- Musharaxa madaxweynaha dalka Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga [Republican] Donald Trump oo dhowaan ku dhaawaaqey hadii talada wadankiisa uu ku guuleysto dadka muslimiinta ah ka mamnuucayo iney soo galaan Mareykanka ayaa hadlkiisu ka careysiisey siyaasiyiinta Republican-ka.

Marka laga tago hadalada musharaxiinta ay sheegaan xiliga tartanka ugu jiraan doorashada madaxweynaha dalka Mareykanka waxaa la aaminsan yahay in hadalka kasoo yeerey Trump uu saameyn dhaqaale ku yeelan doono tartankiisa, sabatoo ah ganacsigiisa u badan kireynta guryaha iyo iibintooda waxaa uu ku xiran yahay wadamada Islaamka iyo maalqabeenada dagan wadamada barriga dhexe.

Halkaan waxaan ku eegeynaa heshiisyada ganacsi ee musharaxaan [ Donald Trump] kula jiro shaqsiyaad Muslim ah, wadamo iyo shirkado kuwasoo iibsanayey ama kireysta hantidiisa ma guurtada ah.

Kirooyinka uu ka qaato shirkadaha

Shirkada diyaardaha Qatar oo ku duusha calanka wadanka uu madaxda ka yahay Emir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa waxey qayb kamid ah gurigiisa ku yaala '5th Avenue in Manhattan'  New York waxey ugu jirtaa laga soo bilaabo sanadkii 2008 kiro u dhexeysa 19000- 100,000 USD bil walba.

Shirkada Diyaaradaha Qatar markii ugu horeysay oo ay bilowdey dulimaadyada ay ku tagto magaalada New York 2007 Trump iyo Melanie [ Xaaskisa] waxay ka qayb galeen xafladii lagu daahfurayey ganacsigaan taasoo lagu qabtey halka loo yaqaano Lincoln center. Trump iyo xaaskiisa oo xafladaas markaas ka qayb galey ayaa tartan ugu jirey sidii shirkadaas uga kireysan laheyd mid kamid ah guryahooda.

Amiirada Sucuudiga: 

Amiir Mutaib bin Abdulaziz Al Saud, wasiir hore dowlada Sucuudiga islamarkaana ka tirsan qoyska boqortooyada dalkaas ayaa aqalka dheer ee Trump [ Trump Tower apartment] ka dagan Dabaq gaar ah. Amiir Nawaf bin Sultan bin Abdulaziz Al-Saud ayaa sidoo kale aqal cabirkiisu yahay 10,500 sq kaga jira halka la yirahado Trump Place kaasoo dhowaan lagu iibshey aduun gaaraya 48.5 million dollars. 

Lacag uu bixiyey amiir Alwaleed

Markii uu khatar galey inuu burburo dhaqaalaha Trump sanadkii 1990 amiirkaan maalqabeenka ah oo ganacsigiisa lagu yaqaano inuu ku jiro shirkadaha Citigroup iyo Hyundai ayaa ogolaadey inuu qayb iibsado halka loo yaqaaan Plaza hotel ee ku taal magaalada New York taasoo ka badbaadisay inuu musalafo Donald halka sanadkii 1987 uu ka iibsadey amiirkaan musharaxa xisbiga Jamhuuriga Mareykanka mid kamid ah doonyahiisa lagu raaxeysto taasoo dhererekeedu gaarayey 300-foot

Doontaan ayaa Amiir Alwaleed ka siistey musharaxaan aduun gaaraya 18 million oo dollar taasoo badbaadisay iney suuqa ka baxdo goob lagu khamaaro ee la yiraahdo 'Atlantic City Casino'.

Ganacsigiisa kordhaya ee ku xiran barriga dhexe

Sanadkaan bilowgiisa ayaa Bloomberg ku qiyaasey dhaqaalaha Donald Trump oo u badan guryaha 'Real Estate' inuu gaarayo 2.9 billion dollar balse inta badan faa'idada uu ka helo hantidaas waxey ku xiran tahay lacagta ay baxshaan dad kale.

Ganacsiga cusub ee ninkaan oo intiisa badan magaciisa 'Trump' ka muuqdo ayaa ka dhisan wadamada Barriga dhexe halkaasoo shirkadiisa maalgalin ku sameyso hantida maguurtada ah.

Sawirkaan kore ayaa tusaya heshiis Donald Trump sanadkii 2014 uu la galey shirkad dhista “Akoya” oo ay leedahay DAMAC taasoo guryo cusub lagu raaxeysto ay ka dhiseysayaan magaalada Dubai ee wadanka UAE. Halkaan oo lagu cayaaro cayaarta la yiraahdo Golf ayaa laga dhisayaa guryo farabadan ee la dago. 

Donald ayaa sheegey markii heshiiskaan uu saxiixey 2014 in mashruucaan laga hirgalin doono inta badan wadamada lacagata haysta ee ku yaal barriga dhexe.

HALKAAN KA DAAWO HADALKII DONALD TRUMP KAGA HADLAY MUSLIMIINTA IMAANAYA AMERICA

GAROWEONLINE xigasho maqaalkaan  QUARTZ oo ka hadasha ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Related Articles

Lubnaan: Taliyihii Ciidanka Lubnaan Joseph Aoun oo Madaxweyne noqday

Dowladaha Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa taageero siiyay Jeneraalka si uu ugu soo baxo doorashadda Madaxweynaha.

  • Caalamka

    09-01-2025

  • 01:39PM

Maraykanka oo ku eedeeyay Ruushka inuu maalgeliyo labada dhinac ee dagaalka Sudan

Dagaalka Sudan waxa uu noqday midkii ugu dhimashada badnaa, waxayna QM ku qiyaasaysaa illaa 26,000 oo qof in la dilay.

  • Caalamka

    07-01-2025

  • 02:08PM